Qarax ka dhacay waqooyiga Turkiga oo galaaftey 25 qof

Image
Dhowr kooxood oo samatabbixin ah ayaa loo diray aagga, oo ka kala yimid gobollada deriska la ah meesha ay wax ka dhaceen.

ANKARA, Turkey - Qarax ka dhacay gudaha goob laga qodo dhuxusha oo ku taalla waqooyiga Turkiga ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 25 qof, sida ay sheegeen saraakiisha Turkiga, iyadoo samatabbixiyeyaashu ay isku dayayeen in ay dusha sare keenaan tobanaan kale oo ku go'doonsan gudaha godka.

Qaraxa ayaa Jimcihii ka dhacay goobta macdanta laga qodo ee TTK Amasra Muessese Mudurlugu oo ay dowladdu leedahay oo ku taal magaalada Amasra, ee gobolka xeebta Badda Madow ee Bartin.

Wasiirka Tamarta Fatih Donmez ayaa sheegay in qiimayn horudhac ah ay muujinayso in qaraxu u badan yahay in uu ka dhashay dab-damis – isaha oo tixraacaya gaas gubanaya oo laga helay miinooyinka dhuxusha – iyo in 25 qof ay naftooda ku waayeen.

110 qof ayaa ku jiray godka xilliga uu qaraxu dhacayay, sida uu warbaahinta u sheegay wasiirka arrimaha gudaha Suleyman Soylu, oo u safray magaalada Amasra si uu u agaasimo gurmadka.

"Inta badan shaqaalihii waxaa u suurtagashay in ay ka guuraan godka qaraxa ka dib, laakiin 49 ayaa ku xayiran meel halis badan oo xarunta ah," ayuu yiri wasiirku.

Soylu ma bixin doono tiro kuwa wali ku go'doonsan, isagoo sheegay in qaar ka mid ah 49-ka loo qaaday badbaado.

Dhowr kooxood oo samatabbixin ah ayaa loo diray aagga, oo ka kala yimid gobollada deriska la ah, hay'adda maaraynta musiibooyinka Turkiga, AFAD, ayaa sheegtay.

Masiibadii ugu xumayd ee macdan qodis ah oo ka dhaca gudaha Turkiga, wadar ahaan 301 qof ayaa ku dhintay 2014-kii dab ka kacay goob dhuxusha laga qodo oo ku taal magaalada Soma ee galbeedka Turkiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ruushka iyo Ukraine oo Is-dhaafsaday Maxaabiis iyo Weeraro Cusbaa oo lagu qaadey Kyiv

Is-dhaafsigan ayaa noqonaya kii ugu weynaa ee tan iyo markii uu bilowday dagaalku, waxaana lagu qabtay xadka Ukraine iyo Belarus .

  • Caalamka

    24-05-2025

  • 04:20PM

Iran: Maraykanka kula xisaabtami doonaa Haddii Israel Weerarto Goobaheena Nukliyeerka 

Israel ma aysan xaqiijin qorshe kasta oo weerar ah, balse madaxda sare ee dalkaasi oo uu ku jiro Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu.

  • Caalamka

    22-05-2025

  • 02:53PM