Qarax lagu dilay askar Itoobiyan ah oo ka dhacay Baay

Image
Kooxda Al-Shabaab oo dusha u ridadatay u ridatay mas’uuliyadda weerarkan khasaaraha sababay.

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Qarax miino oo lagu dilay ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ayaa ka dhacay duleedka degmada Diinsioor oo ka tirsan gobolka Baay ee koonfurta Soomaaliya sida ay dadka deegaanka u sheegeen Garowe Online.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso ayaa lala beegsaday gawaari ay wateen askar ka tirsan ciidanka Itoobiya ee ka howlgala halkaasi.

Illo deegaanka ah ayaa xaqiijiyay in miinadu ay haleeshay mid ka mid ah kolonyada ay wateen ciidamadaasi, waxaana ka dhashay khasaare leh dhimasho iyo dhaawac.

Sidoo kale, ciidamada ayaa qaraxa kadib furay rasaas, balse ma jiro wax khasaare ah oo ka dhashay, waxaana kadib ay sii wateen socdaalkooda.

Kooxda Al-Shabaab oo dusha u ridadatay u ridatay mas’uuliyadda qaraxaasi, waxay sheegatay in ay ku dishay illaa 3 askari, halka ay ku dhaawacday 4 kale.

Xaaladda goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa haatan deggan, mana jiro wax faah faahin ah oo kasoo baxay maamulka degmada iyo saraakiisha ciidamada Itoobiya ee la qarxiyey.

Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro dhabagal ah ku qaada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, xilliyada ay isaga kala gooshayaan gobollada Baay iyo Bakool.

Al-Shabaab oo gacanta ku haysa dhul badan oo miyi ah oo ku yaalla bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya ay ka mid yihiin kooxaha argagixisada ah ee sida aadka u kobcaya, ugu dhaqaalaha badan, uguna weerarada badan. Kooxda ayaa jirtay ilaa sanadkii 2007dii.

Sidoo kale rabshadaha kooxda ayaa sii socda iyada oo Soomaaliya iyo Midowga Afrika ku heshiiyeen khariidad lagu beddelayo AMISOM oo lagu guurayo ATMIS iyadoo ay oggolaansho ka helayaan Golaha Ammaanka iyo Nabadda ee Midowga Afrika iyo sidoo kale Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka caroodey Xabbad-joojin laga sameyn lahaa Gaza

Witkoff, oo qoraal ku daabacay barta X (hore Twitter), ayaa sheegay in Hamas looga…

  • Caalamka

    31-05-2025

  • 07:22PM

Mareykanka oo Fiisooyinka u diiday Ardayda Shiinaha, Xiisad Cusub oo Ka Dhex Oogan Labada Dal

Beijing waxay uga digtay Washington inay ka fiirsato go’aannada noocan oo kale ah, kuwaas oo ay ku sheegtay inay dhaawacayaan xiriirka labada waddan.

  • Caalamka

    29-05-2025

  • 03:20PM