Qasa: 500 qof oo Isbitaal lagu xasuuqay

Image

QASA - Magaalada go'doonsan ee Qasa duqeyn ay Israel gaysatay ayaa lagu dilay in ka badna 500 qof.

Isbitaalka, Mucamadaani oo ahaa mid u adeegayay bukaano faro badan sidoo kalena ay gabaad ka dhigteen qoysaska guryahooda kasoo barakacay ayay duqeynta la beegsatay Israel.

Agaasimaha wasaarada caafimaadka ee Gaza ayaa warbaahinta u xaqiijiyay isaga oo ooyaya" 500 oo qof ayaa xaqiijinay waxaana ku yar qof isaga oo jirkiisu isku dhan yahay aan soo helnay".

Dhibanayaasha waxaa ku jira caruur, haween iyo dad waawayn.

Tan iyo inta ay duqeyntu ku bilaabatay Qasa, wasaarada caafimaadka ee Qasa ayaa sheegtay in 3500 ka badan ay ku dileen isla markaana ay kujiraan 700 oo caruur ah iyo 500 oo haween ah.

Dalalka galbeedka oo iyagu sheegta in ay difaacaan xuquuqda rayidka iyo dadka la dulminayo ayaa ilaa hadda lagu tilmaamay kuwa ka aamusan musiibooyinka "bini'aadam samee-ga ah" ee Israel ay ku samaynayso Falastiiniyiinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo diiday inuu booqdo Israa’iil xili uu xumaaday xiriirkii kala dhaxeeyay Netanyahu 

Eldar ayaa intaas ku daray in tallaabadan ay calaamad u tahay isbeddel weyn oo ku yimid xiriirka taariikhiga ah ee Mareykanka iyo Israa’iil.

  • Caalamka

    15-05-2025

  • 04:47AM

Trump oo hurumarka ka muuqda Riyadh ku amaaney Maxamad Bin Salman

Trump wuxuu ku sheegey in horumarka ka muuqda Sacuudiga iyo magaalooyinka kale…

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 12:06PM