Qasa: 500 qof oo Isbitaal lagu xasuuqay

Image

QASA - Magaalada go'doonsan ee Qasa duqeyn ay Israel gaysatay ayaa lagu dilay in ka badna 500 qof.

Isbitaalka, Mucamadaani oo ahaa mid u adeegayay bukaano faro badan sidoo kalena ay gabaad ka dhigteen qoysaska guryahooda kasoo barakacay ayay duqeynta la beegsatay Israel.

Agaasimaha wasaarada caafimaadka ee Gaza ayaa warbaahinta u xaqiijiyay isaga oo ooyaya" 500 oo qof ayaa xaqiijinay waxaana ku yar qof isaga oo jirkiisu isku dhan yahay aan soo helnay".

Dhibanayaasha waxaa ku jira caruur, haween iyo dad waawayn.

Tan iyo inta ay duqeyntu ku bilaabatay Qasa, wasaarada caafimaadka ee Qasa ayaa sheegtay in 3500 ka badan ay ku dileen isla markaana ay kujiraan 700 oo caruur ah iyo 500 oo haween ah.

Dalalka galbeedka oo iyagu sheegta in ay difaacaan xuquuqda rayidka iyo dadka la dulminayo ayaa ilaa hadda lagu tilmaamay kuwa ka aamusan musiibooyinka "bini'aadam samee-ga ah" ee Israel ay ku samaynayso Falastiiniyiinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalalka Khaliijka oo qaadaya tallaabooyin degdeg ah kadib weerarrada Iran

Sidoo kale, Saudi Arabia ayaa sheegtay in laba ka mid ah warshadaha sifeynta shidaalka ee dalkaas la weeraray.

  • Caalamka

    19-03-2026

  • 05:25AM

Dalalka Iiraan u Oggolaatay Inay Maraakiibtoodu Ka Gudbaan Marinka Hormuz

Hadalladaas ayaa si degdeg ah u saameeyay suuqyada tamarta, iyadoo qiimaha shidaalka…

  • Caalamka

    16-03-2026

  • 05:03PM