Qasa: Tirada dhimashada Falastiiniyiinta oo sii korortay

Image

QASA (GO) - Wasaaradda caafimaadka ee Falastiin ayaa sheegtay in tirada dadka Falastiiniyiinta ah ee ku dhintay rasaasta ciidamada Israa’iil ay kor u dhaaftay 10,000 oo qof.

Wasaaradda ayaa sheegtay, "Dhimashada iyo dhaawaca ee dadkeena ah ee ka dhashay duulaanka lagu hayo Marinka Qasa iyo Daanta Galbeed waxay kor u dhaaftay 10,165 qof, iyo ku dhawaad ​​27,000 oo dhaawac ah."

Wasaaraddu waxay ku sheegtay warbixinteeda maalinlah in 10,010 lagu dilay Marinka Qasa, in ka badan 25,000na lagu dhaawacay, Daanta Galbeedna tirada dhimashadu kor u dhaaftay 155, dhaawacana uu yahay 2,250 oo qof.

Wasaaraddu waxay tilmaantay in in ka badan 70% dadka ku dhintay Daanta Galbeed iyo Marinka Qasa ay yihiin carruur, haween iyo dad waayeel ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Putin oo ku dhawaaqay in Ruushka tijaabinayo Hubka Nuclear-ka

Wararka ka imanaya Kremlin-ka waxay sheegayaan in Putin uu mar kale cadeeyay in haddii Maraykanku sameeyo tijaabooyinkan.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 07:52AM

Omar Fateh oo Aqbalay Guuldarradiisa Doorashada Duqa Magaalada Minneapolis

Haddii uu guuleysan lahaa, Omar Fateh wuxuu noqon lahaa duqii ugu horreeyay ee Muslim ah, Soomaali Maraykan ah.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 05:24AM