Qatar: Lama ogaan karo tirada maxaabiista gacanta ugu jiro XMS

Image
Xamaas ayaa gacanta ku dhigtay in ka badan 200 oo maxaabiis ah

DOHA (GO) - Wasaaradda arrimaha dibadda Qatar ayaa ku dhawaaqday in aan la xaqiijin karin tirada maxaabiista ee gacanta ugu jira Xamaas, iyaga oo sii deyn doono 20 qof Talaadada iyo Arbacada.

Tan iyo Jimcihii, 39 maxbuus ah ayay Xamaas sii daysay. Dhinca kale, 117 maxaabiis Falastiiniyiin ah ayaa dib u helay Xurriyadooda.

Heshiis Xabbad-joojin ku-meel-gaar ah oo ka dhaxeeya Xamaas & Israa’iil ayaa la gaaray, wuxuuna dhaqan galay Jimcihii.

Heshiiska ayaa qeexaya xabbad-joojin soconeysa 4-maalmood iyo in la sii daayo 50 maxbuus oo Israa’iili ah & 150 maxaabiis falastiiniyiin ah.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Putin oo ku dhawaaqay in Ruushka tijaabinayo Hubka Nuclear-ka

Wararka ka imanaya Kremlin-ka waxay sheegayaan in Putin uu mar kale cadeeyay in haddii Maraykanku sameeyo tijaabooyinkan.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 07:52AM

Omar Fateh oo Aqbalay Guuldarradiisa Doorashada Duqa Magaalada Minneapolis

Haddii uu guuleysan lahaa, Omar Fateh wuxuu noqon lahaa duqii ugu horreeyay ee Muslim ah, Soomaali Maraykan ah.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 05:24AM