Qatar: Lama ogaan karo tirada maxaabiista gacanta ugu jiro XMS

Image
Xamaas ayaa gacanta ku dhigtay in ka badan 200 oo maxaabiis ah

DOHA (GO) - Wasaaradda arrimaha dibadda Qatar ayaa ku dhawaaqday in aan la xaqiijin karin tirada maxaabiista ee gacanta ugu jira Xamaas, iyaga oo sii deyn doono 20 qof Talaadada iyo Arbacada.

Tan iyo Jimcihii, 39 maxbuus ah ayay Xamaas sii daysay. Dhinca kale, 117 maxaabiis Falastiiniyiin ah ayaa dib u helay Xurriyadooda.

Heshiis Xabbad-joojin ku-meel-gaar ah oo ka dhaxeeya Xamaas & Israa’iil ayaa la gaaray, wuxuuna dhaqan galay Jimcihii.

Heshiiska ayaa qeexaya xabbad-joojin soconeysa 4-maalmood iyo in la sii daayo 50 maxbuus oo Israa’iili ah & 150 maxaabiis falastiiniyiin ah.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Turkiga oo taageeray amniga Sacuudiga xilli ay sii kordhayaan weerarrada Xuutiyiinta

Wuxuu sheegay in Sacuudiga laga yaabo inuu u baahdo taageero milatari, gaar ahaan dhinacyada farsamada.

  • Caalamka

    20-09-2026

  • 12:17PM

Xuutiyiinta Yemen oo sheegay inay weerareen goobo xasaasi ah oo ku yaalla Sacuudiga

Dagaalladii ayaa muddo hoos u dhacay, balse xaaladda ayaa mar kale si weyn u kacsatay toddobaadyadii lasoo dhaafay.

  • Caalamka

    20-09-2026

  • 06:30AM