QatarEnergy oo Joojisay Maraakiibta Gaaska Dabiiciga ah ee Maraya Badda Cas – Reuters

Image

Dowladda Qatar, oo ah dhoofiyaha ugu weyn ee gaaska dabiiciga ah ee dareeraha ah (LNG), ayaa joojisay inay maraakiibteeda u dirto Badda Cas, iyadoo ay jirto shaki sii kordhaya oo ku saabsan amniga marinka muhiimka ah ee maraakiibta, sida ay werisay Reuters Isniintii.

Ilo aan magacaabnayn oo arrintan xog ogaal u ah ayaa wargeyska u sheegay in ugu yaraan afar markab oo qaadi jiray LNG-ga Qatar lagu hayay badda dhammaadkii usbuuca, taasoo ka dambeysay weerarradii cirka iyo badda ee Mareykanka iyo UK ay ku qaadeen Yemen kuwaas oo jawaab u ahaa weerarrada Xuutiyiinta ee ka dhanka ah maraakiibta Badda Cas.

Xogta raadraaca maraakiibta ayaa muujineysa in saddex ka mid ah maraakiibtaas ay LNG ka qaadeen Ras Laffan ee Qatar isla markaana ay ku sii jeedeen Kanaalka Suez, balse ay ku hakadeen xeebaha Cumaan 14-kii Janaayo, sida lagu sheegay warbixinta. Markabka afaraad, oo dib ugu laabtey Qatar, ayaa joojiyay socodkiisii 13-kii Janaayo ee Badda Cas.

“Ilaa amniga laga xaqiijinayo, marinka Badda Cas, waxaan u weecan doonnaa dhinaca Cape of Good Hope,” ayuu yiraahdeen ilaha warbixinta. “Ma aha joojin wax-soo-saar,” ayuu ilahaasi ku dareen.

Sida ay xustay xogta LSEG (Kooxda Suuqa Saamiyada London) ee ay soo xigatay Reuters, Qatar ayaa dhoofisay in ka badan 75 milyan tan oo shidaal ah sannadkii 2023, taas oo 14 milyan oo tan loo dhoofiyey Yurub iyo 56.4 milyan oo tan loo dhoofiyey Aasiya.

Shirkadaha maraakiibta waaweyn ayaa bilaabay inay maraakiibtan, oo ay ku jiraan kuwa LNG-ga sida, mariyaan safarro dheer oo qaali ah oo ka wareegaan Koonfur Afrika, gaar ahaan Cape of Good Hope, kaddib markii kooxda Xuutiyiinta ee Yemen ay ku dhawaaqeen xayiraad aan rasmi ahayn oo ay ku soo rogeen Badda Cas iyo Kanaalka Suez.

Xuutiyiinta ayaa weeraray maraakiibta la aaminsan yahay inay xiriir la leeyihiin Israel, iyagoo sheegaya inay taageero u muujinayaan Falastiiniyiinta kaddib markii xiisadaha Gaza ay sii kordheen.

GAROWE ONLINE + WAKIILADAHA

Related Articles

Trump oo diiday inuu booqdo Israa’iil xili uu xumaaday xiriirkii kala dhaxeeyay Netanyahu 

Eldar ayaa intaas ku daray in tallaabadan ay calaamad u tahay isbeddel weyn oo ku yimid xiriirka taariikhiga ah ee Mareykanka iyo Israa’iil.

  • Caalamka

    15-05-2025

  • 04:47AM

Trump oo hurumarka ka muuqda Riyadh ku amaaney Maxamad Bin Salman

Trump wuxuu ku sheegey in horumarka ka muuqda Sacuudiga iyo magaalooyinka kale…

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 12:06PM