Qorshe lagu doonayo in xabbad joojin lagu soo rogo Qasa & caalamka oo isha ku haayo jawaabta XMS

Image
Qorshahan ayaa waxaa soo diyaariyay madaxda hay’adaha sirdoonka ee Maraykanka, Israa’iil, iyo Masar.

Qasa (GO) - Ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in ururka Xamaas uu daraaseynayo qorshe xabbad joojin ah oo laga dhaqan gelinayo marinka Qasa, islamarkaana lagu xaqiijinayo sii deynta Maxaabiista Israa’iil.

Guusha qorshahan ayaa ku xiran in Xamaas ay ogolaato wajiga koowaad ee qorshahan saddexda heer ah, maadaama ilaa haatan aan lagu heshiin in si rasmi ah loo joojiyo dagaalka, taas oo ah dalabka aasaasiga oo ururka shardi uga dhigay heshiis kasta oo dhici kara.

Qorshahan ayaa waxaa soo diyaariyay madaxda hay’adaha sirdoonka ee Maraykanka, Israa’iil, Masar, iyo sidoo kale Ra’iisul wasaaraha Qatar, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Ra’iisul Wasaaraha Qatar Sheikh Mohammed bin Abdul Rahman Al Thani ayaa Isniintii sheegay in aysan garaneyn jawaabta Xamaas, islamarkaana aysan saadaalin karin.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM