Qorshe Sir Ah Oo Fashilmay: Israa'iil Iyo Mareykanka Oo Doonayay In Ahmadinejad Loo Dhiibo Hoggaanka Iran
WASHINGTOON – Maalintii ugu horreysay ee weerarkii Iran February 28, ciidamada cirka ee Israa’iil waxay weerar ballaaran ku qaadeen guriga madaxweynihii hore ee Iran, Mahmoud Ahmadinejad, oo ku yaalla caasimadda Tehraan.
Sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan dowladda Mareykanka oo xogtan la wadaagay The New York Times, weerarkan ayaan ahayn mid lagu khaarajinayo Ahmadinejad, balse wuxuu ahaa qorshe lula doonayay in lagaga saaro xabsi guri uu ku jiray si loogu diyaariyo hoggaanka dalka ka dib marka la khaarajiyo Hoggaamiyaha Sare Ali Khamenei.
Ahmadinejad, oo caan ku ahaa fikradaha adag ee ka dhanka ah Israa’iil iyo Mareykanka xilligii uu madaxweynaha ahaa (2005–2013), ayaa dhowaanahan isku khilaafay nidaamka wadaaddada ee ka taliya Tehraan, taas oo keentay in laga mamnuuco doorashooyinka isla markaana la geliyo xabsi guri ay ilaalinayeen Ciidamada Ilaalada Kacaanka ee IRGC.
Fashilka Ku Yimid Qorshaha "Ahmadinejad"
Sida ay muujinayaan xogaha sirdoonka, qorshahan oo ay diyaarisay sirdoonka Israa'iil ee Mossad iyadoo la ogeysiiyay dowladda Mareykanka, horayna loogu sii sheegay Ahmadinejad, ayaa durbadiiba faraha ka baxay ka dib markii uu dhacay weerarkii cirka.
Khasaaraha Duqeynta: Weerarka ayaa gabi ahaanba burburiyay bar-koontarool oo ku taallay afaafka hore ee waddada gurigiisa, halkaas oo ay ku dhinteen dhowr xubnood oo ka tirsanaa ciidamada dowladda oo isaga ilaalinayay, maadaama xabi-guri la geliyay oo dibada loo diiday.
Dhaawaca Ahmadinejad: In kasta oo Ahmadinejad uu ka badbaaday duqeynta, haddana wuxuu si kama' ah ula kulmay dhaawac fudud ka dib markii uu ku sigtay inay waxyeello ba'an soo gaarto.
Ahmadinejad Oo Ka Carooday Qorshaha
Saraakiisha Mareykanka ayaa xaqiijiyay in Ahmadinejad uu aad uga niyad-jabay hannaankii loo fuliyay qorshahaas kadib markii uu naftadiisa halis geliyay. Weerarkan naxdinta leh ee uu ku sigtay inuu ku dhinto ayaa ku khasabtay inuu gabi ahaanba jaro dhammaan xiriirkii iyo wada-shaqeyntii uu la lahaa Israa'iil, isagoo ka horyimid qorshihii ahaa in isbeddel maamul lagu sameeyo Iran.
Tan iyo xilligaas, madaxweynihii hore laguma arag meel fagaare ah, iyadoo aan ilaa iyo hadda si rasmi ah loo ogeyn halka uu ku sugan yahay iyo xaaladdiisa caafimaad ee rasmiga ah. Isku-daygan fashilmay ayaa muujinaya khatarta weyn ee ku xeeran qorshayaasha beddelista nidaamka Iran ee ay wadeen sirdoonka ee Israa'iil iyo Mareykanka.
GAROWE ONLINE