Qoys ku dhamaadey duqeyn cusub uu Ruushka ka geystay Ukraine

Image
Howlgalkan dhanka hawada ah ayaa waxa uu ka dhacay gobolka Kherson ee koonfurta Ukraine.

MOSCOW, Russia - Duqeymo cusub oo la sheegay inuu fuliyey Ruushka ayaa dilay todoba qof, oo uu ku jiro ilmo yar oo 23-maalmood jira, halka 20 kalena ay ku dhaawacmeen, sidda ay qortey saxaafadda.

Howlgalkan dhanka hawada ah ayaa waxa uu ka dhacay gobolka Kherson ee koonfurta Ukraine, taasoo keentay in mas'uuliyiinta maxalliga ah ay ku dhawaaqaan maalin baroor diiq ah.

Kyiv ayaa qayb ka mid ah Kherson ka soo ceshatay Ruushka bishii November ee la soo dhaafay, laakiin ciidamada Kremlin-ka ayaa sii wada duqeymaha ay ku hayaan caasimadda gobolka iyo meelaha ku hareeraysan ee ka soo gudba wabiga Dnipro.

Lamaane, ilmahooda oo 23-maalmood jir ah iyo nin kale ayaa lagu dilay tuulada Shyroka Balka, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha Ihor Klymenko Axadii.

"Wiilka ay dhaleen lamaanaha oo 12 jir ahaa ayaa si xun loo dhaawacay wuxuuna ku dhintay isbitaalka," ayuu hadalkiisa kusii daray wasiirka oo aan soo bandhigin wax caddeymo ah.

Labo qof oo uu ku jiro baadari ka shaqeeya kaniisad maxali ah ayaa lagu dilay tuulada ay dariska yihiin ee Stanislav, sida uu sheegay barasaabka Oleksandr Prokudin.

Dagaalada todobaadyadii la soo dhaafay ayaa ka dhacay meelo badan oo ku teedsan jiidda hore ee in ka badan 1,000-km (620-mile) iyadoo Ukraine ay weerar rogaal celis ah ku qaadayso hub ay reer galbeedku bixiyeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay tahay sababta uu isku-casilay Keir Starmer, Ra’iisul Wasaaraha Britain?

Sanadkii 2024, Starmer ayaa xisbigiisa Labour ku hoggaamiyay guushii ugu weynayd ee baarlamaanka tan iyo 1997.

  • Caalamka

    22-06-2026

  • 09:28AM

Ra’iisul Wasaaraha Britain oo wajahaya cadaadis sii xoogeysanaya, isagoo ka fiirsanaya iscasilaad

Starmer ayaa muddooyinkii dambe wajahaya hoos u dhac ku yimid taageeradiisa, qaladaad dhanka siyaasadda ah iyo fadeexado isa soo tarayay.

  • Caalamka

    21-06-2026

  • 03:26PM