Queen Elizabeth II: Boqoradda Ingiriiska oo geeriyootay

Image
Boqoradda dhimatay ayaa xukunka waxay timid sanadka markii uu ahaa 1952-kii.

LONDON, UK - Queen Elizabeth II, haweenaydii ugu mudadda dheereyd boqortooyadda Ingiriiska, ayaa iyadda oo 96-sano jir ah ku geeriyootay Balmoral kadib 70-sano oo ay xukunka haysay.

Boqoradda dhimatay ayaa xukunka waxay timid sanadka markii uu ahaa 1952-kii, waxayna goob joog ka ahayd isbadalo kala duwan oo ku dhacay guud ahaan bulshadda Ingiriiska.

Tacsida siyaasiyiinta iyo madaxda kala duwan ee caalamka ka direyso geerida boqoradda ayaa isa soo taraya iyaga oo muujinaya in ay murugta la wadaagayaa qoyskeeda iyo dalka UK oo dhan.

"Boqorada Ingiriiska Queen Elizabeth II iyada oo ah hogaamiyihii ugu cimriga dheeraa UK waxa si weyn loogu majeeran jiray nimcada, karaamadeeda, iyo dedaalka ay aduunka ku leedahay," ayuu yidhi xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres.

Wuxuu raaciyey: "Waxay ahayd joogitaan lagu kalsoonaan karo oo dhan tobaneeyo sano oo isbedel baaxad leh, oo ay ku jiraan gumeysiga ka baxay Afrika iyo Aasiya si lamid ah kobcinta Barwaaqo-sooranka".

Charles Philip Arthur George: Boqorka cusub

Madaxweynaha Golaha Yurub, Charles Michel, ayaa si kal iyo laab ah uga hadlay "qiyamka waari doona" boqoradda kadib qoraal uu ku daabacay ciwaankiisa Twitter-ka.

"Waxaan murugadda la wadaagayaa qoyska boqortooyada iyo dhammaan kuwa u baroorta Queen Elizabeth II ee UK iyo adduunka oo dhan. Mar loo yaqaan Elizabeth the Steadfast, marna kuma guuldareysan inay na tusto muhiimada qiimaha waara ee adduun casri ah oo leh adeeg sugan iyo oo balanqaayadeeda kamid ahaa," ayuu tibaaxay.

Wiilkeeda curadka ah Charles, oo ahaa amiirkii hore ee Wales, ayaa UK ku hoggaamin doona baroor diiq isagoo ah Boqorka cusub iyo madaxa dawladda 14 dal oo la isku dhaho barwaaqo sooranka ah.

Balse, waxaa jira talaabooyin ay kamid yihiin caaddooyin ay qasab tahay in uu maro. Mid kamid ah waa xaflad London ka dhici doona loogu aqoonsan doono boqor 24-saac kadib geerida hooyadiisa.

Boqorada Elizabeth II intii ay xilka haysay waxay u soo joogtey dhaqaale xumo dagaal kadib, kala guurkii boqortooyadii una gudubtay Barwaaqo-sooranka, dhamaadkii dagaalkii qaboobaa iyo soo galitaanka UK iyo ka bixitaanka Midowga Yurub.

Prince Philip: Sanad kahor aabihii buu waayay

Wadamada loo yaqaano barwaaqo-sooranka waa; Australia, Antigua iyo Barbuda, Bahamas, Belize, Canada, Grenada, Jamaica, Papua New Guinea, St Christopher iyo Nevis, St Lucia, St Vincent iyo Grenadines, New Zealand, Solomon Jasiiradaha, Tuvalu.

Charles ayaa saddex sano jir ahaa markii hooyadii ay noqoneysay boqoradda Ingiriiska. Wiilkiisa wuxuu haatan noqon doonaa boqorka gobolka Wales balse si degdeg ah looguma dhawaaqi doono.

Kaliya bishii Abriil 2021 ayay ahayd markii Charles uu waayey aabihiis, Prince Philip, oo ku dhintay da'da 99 jir GUDAHA Windsor Castle. "Aabihii qaaliga ahaa", ayuu yidhi wax yar ka dib, "wuxuu ahaa qof gaar ah".

Xukunkeedu wuxuu gaaray 15 ra'iisul wasaare ka bilow Winston Churchill, oo dhashay 1874, oo ay ku jirto Liz Truss, oo dhalatay 101 sano kadib 1975, waxaana magacaabay boqoradda horaantii usbuucan.

Elizabeth II ayaa waxay ku dhalatay Elizabeth Alexandra Mary Windsor, Mayfair, London, taariikhdu markay ahayd 21 Abriil 1926. Aabaheed wuxuu noqday King George VI, isaga oo 10-jir, Lilibet.

GAROWE ONLINE

Related Articles

UN-ka oo caddeeyay mowqifkooda go’aanka Dowladda Soomaaliya

Xukuumadda Muqdisho ayaa dalbtay in albaabada loo laabo xafiiska UNSOM ee magaaladda caasimadda ah.

  • Caalamka

    11-05-2024

  • 04:49AM

Sri Lanka oo xirtey askar u dhalatay dalkaas kuna biirtey milatariga Ruushka

Arrintan ayaa waxa ay kusoo hagaagtay maalin kadib markii dalka ay deriska yihiin ee Hindiya uu afar qof lagu xiray kiis kan la mid ah.

  • Caalamka

    09-05-2024

  • 04:59PM