Ra'iisul Wasaaraha cusub ee UK oo soo dhisay xukuumad naadir ah

Image
Wasiirka arrimaha dibadda ayaa markii ugu horeysay loo dhiibay qof asal ahaan soogalooti ahaa.

LONDON, UK - Keir Starmer oo dhowaan loo doortay inuu qabto xilka Ra'iisul Wasaaraha Boqortooyada Ingiriiska ayaa ku dhawaaqay xubno muhiim ah oo ka tirsan kooxdiisii ​​​​wasiirrada, sidda ay warisay saxaafadda.

Xisbiga Starmer oo u jaranjeera dhanka bidix ee Labour Party ayaa ku guuleystay doorashadii guud ee aqlabiyadda ahayd taasoo soo afjartay 14 sano oo xukunka Conservative-ka.

Starmer ayaa Jimcihii Rachel Reeves u magacaabay inuu la wareegto jagadda wasiirka maaliyadda, waana haweeneydii ugu horreysay ee qabta jagadaas taariikhda UK.

Laacibadii hore ee ciyaarta Chess-ka carruurta iyo dhaqaalayahanka Bank of England ayaa ballan qaaday inay kobcin doonto dhaqaalaha qaranka iyadda oo muujinaysa anshaxa maaliyadeed ee xooggan.

Starmer ayaa sidoo kale wuxuu u magacaabay David Lammy, oo ah xildhibaan taariikh raad-raac ah leh, inuu noqdo xoghayaha arrimaha dibedda Boqortooyadda Ingiriiska.

Isaga oo u dhashay soogalootiga Guyanese, Lammy waxa uu kasoo baxay Tottenham, aagga woqooyiga London, halkaas oo uu wakiil uga ahaa baarlamaanka tan iyo 2000.

Lammy waxa uu noqday xubinta ugu da’da yar baarlamaanka (MP) markii ugu horaysay ee la doortay isaga oo 27 jir ah. Waxa uu isla markiiba helay khibrad wasiirnimo, isaga oo ka soo shaqeeyay dawladihii Tony Blair iyo Gordon Brown.

Sidoo kale, Lammy oo ah madow ayaa Jimcihii carabka ku adkeeyay inuu taageerayo dadaalka caalamiga ah ee lagu xaqiijinayo "xabad joojin degdeg ah" dagaalka Israel ee Gaza iyo sii deynta la haystayaasha Yahuuda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM