Ra’iisul Wasaaraha Kanada iyo afadiisii oo muyaaradaha kala dalacdey

Image
Trudeau iyo Sophie ayaa is-guursadey sanadkii 2005 waxayna isku dhaleen saddex carruur ah.

TORONTO, Canada -  Ra’iisul Wasaaraha Kanada, Justin Trudeau, iyo xaaskiisa Sophie ayaa kala tagaya kadib markii ay nolol wadaag ahaayeen muddo 18-sano xiriir ah.

Lamaanaha ayaa qoraal ay soo dhigeen Instagram ku sheegay in talaabadan ay salka ku hayso “is-maandhaaf soo kala dhex-galay” wallow aan la sharaxin.

Trudeau iyo Sophie ayaa is-guursadey sanadkii 2005 waxayna isku dhaleen saddex carruur ah.

Caruurtooda ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Xavier oo 15-sano jir ah, Ella-Grace oo 14-jir ah, iyo waliba Hadrien oo sagaal sano jir ah.

War-saxaafadeed wadajir ah oo ay soo saareen ayay ku caddeeyeen in ay ka dalbanayaan dadweynaha in xogta ilmahooda la ilaaliyo.

Trudeau iyo Sophie ayaa waxa uu haasaawaha bilaabay sanadkii 2003-kii xilligaas oo haweeneyda ay ahayd shaqaale ka tirsan TV maxali ah.

Sidoo kale, haweeneyda ayaa waxa ay ahayd samafale ka shaqeysa arrimaha caafimaadka dhimirka iyo daadejinta cuntada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Kenyan ah oo xabsi daa’in lagu xukumay qorshe weerar “9/11 u eg” oo ka dhan ah Maraykanka

Bishii Janaayo 2019, Abdullah ayaa raadiyay macluumaad ku saabsan “duullimaadyada Delta” iyo “dhismaha ugu dheer Atlanta.

  • Caalamka

    24-12-2025

  • 08:47AM

Casha Xasan oo Qiratay Lacago Laga Xaday Barnaamijyo Dowladda Mareykanka Ku Taageerto Carruurta Danyarta ah

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha federaalka, Asha Xasan ayaa noqotay…

  • Caalamka

    23-12-2025

  • 02:51PM