Ra'iisul Wasaaraha Shiinaha oo codasay in laga hortago dagaal qabow oo cusub

Image

BEIJING, SHIINAHA - Ra'iisul wasaaraha Shiinaha Li Qiang ayaa sheegay -maanta oo Arbaco ah- mar uu la kulmay madaxda Japan iyo Kuuriyada Koonfureed, in quwadaha waaweyn ay waajib ku tahay inay kasoo horjeestaan fikradda iska horimaadka iyo inay ka hortagaan dagaal qabow oo cusub.

"Waxaa laga yaabaa in iska horimaadka uu ka dhasho kala duwanaansho u dhexeeya wadamada, sababo la xiriira isfaham la'aan, danaha iska soo horjeeda ama faragelinta shisheeye," ayuu ku nuuxnuuxsaday Ra'iisul wasaaraha intii lagu jiray shirkii ASEAN+3.

"Si khilaafaadkaas loo xakameeyo, waxaa muhiim ah xilligan in la iska ilaaliyo in dhinac lala safto iyo in laga hortago dagaal qabow oo cusub.” Ayuu raaciyay sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee France-Presse.

Hadalkan ayaa yimid iyadoo madaxda gobolka iyo mas'uuliyiin sarsare oo uu ku jiro madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Kamala Harris, ay kulmeen si ay uga wadahadlaan arrimo badan oo hareeyay kulamadii Ururka Koonfur-bari Aasiya (ASEAN) ee toddobaadkan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Kenyan ah oo xabsi daa’in lagu xukumay qorshe weerar “9/11 u eg” oo ka dhan ah Maraykanka

Bishii Janaayo 2019, Abdullah ayaa raadiyay macluumaad ku saabsan “duullimaadyada Delta” iyo “dhismaha ugu dheer Atlanta.

  • Caalamka

    24-12-2025

  • 08:47AM

Casha Xasan oo Qiratay Lacago Laga Xaday Barnaamijyo Dowladda Mareykanka Ku Taageerto Carruurta Danyarta ah

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha federaalka, Asha Xasan ayaa noqotay…

  • Caalamka

    23-12-2025

  • 02:51PM