Ra'iisul Wasaaraha UK oo ka badbaadey xil ka xayuubin

Image
Boris Johnson ayaa 12-ka bilood ee soo aadan ka nasan doona cadaadis kaga yimaada xubnaha xisbigiisa.

LONDON, Britain - Boris Johnson ayaa si dirqi ah uga badbaaday codka kalsoonida ee xildhibaanada xisbiga haya taladda UK ee Tory - balse waxaa soo wajahay kacdoon ka weyn kii Theresa May.

Ilaa 211 xildhibaan ayaa u codeeyay ra'iisul wasaaraha, halka 148 ay diideen - wadarta mudaneyaasha aqlabiyadda haysta waa 63, sida ay sheegtay warbaahinta afka dheer ee Sky News.

Ra'iisul wasaaraha UK, Boris Johnson, ayaa wajihi doonin loolan kale oo hogaamineed muddo 12 bilood ah, marka loo eego shuruucda xisbiga Conservative-ka ee hadda jira - hase ahaatee natiijadu waxay si weyn u wiiqi doontaa hoggaankiisa.

Mr Johnson oo Ra'iisul wasaaraha noqday sanadkii 2019-kii ayaa loo sheegay in loo qaadi doono codka kalsoonida maalinkii Axada mar uu ku sugnaa xafladii loogu dabaal-dagay 70sano guuradii kasoo wareegatay tan iyo markii xilka ay boqoada la wareegtay.

Cadaadiska siyaasadeed ee haysta Boris ayaa kordhay tan iyo markii ay soo baxday warbixin faahfaahinaysa xaflado ka dhacay xafiiskiisa intii lagu guda jiray xayiraadihii ka dhashay Covid-19.

Theresa May ayaa ahayd ra'iisul wasaarihii ugu dambeeyay ee Conservative-ka ee wajaho cod xisbigu u qaado waana ay guuleysatay codka balse waxay iska casishay lix bilood kadib qaabkii ay u maaraysay Brexit.

Mr Johnson waxa uu xilka kala wareegay bishii Luulyo 2019 ka dibna waxa uu ku baaqay doorasho guud oo xisbigiisa ku guulaystay aqlabiyadii ugu waynayd tan iyo markii doorashadii 1987-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: Wadahadal Iiraan lala bilaabay — maxaa dhab ah?

In ka badan 2,000 oo qof ayaa ku dhintay dagaalkan, badankoodna waxay….

  • Caalamka

    23-03-2026

  • 06:58PM

Mareykanka iyo Israa’iil oo lagu eedeeyay inay buunbuuninayaan guulaha ay ka gaareen dagaalka Iran

Madaxweynaha ayaa bartiisa Truth Social ku sheegay inuu dib u dhigi doono weerarada ilaa dhammaadka toddobaadka.

  • Caalamka

    23-03-2026

  • 02:55PM