Recep Erdogan oo si adag ugu hanjabay warbaahinta xorta ah

Image
Turkiga ayaa sanadihii ugu dambeeyay sidoo kale u dhaqaaqay inuu kordhiyo kormeerka warbaahinta

ANKARA, Turkey - Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa ugu hanjabay warbaahinta Turkiga inay aargoosi la kulmi doonaan haddii ay faafiyaan waxyaabaha dhaawacaya qiyamka asaasiga ah ee dalka.

Erdogan ayaa sheegay in loo baahan yahay tillaabooyin lagu ilaalinayo "dhaqanka qaranka" ee Turkiga iyo ka hortagga horumarka "in caruurteena ay si xun u saameyso natiijada ka soo baxda waxyaabaha waxyeellada leh ee dhammaan qoraallada, afka iyo warbaahinta muuqaalka ah".

Hogaamiyaha Turkiga ma uusan carabaabin waxa ay xambaarsan yihiin, balse waxa uu sheegay in tilaabo sharci ah laga qaadi doono "dhaqdhaqaaqyada qarsoon ama warbaahinta ee looga golleeyahay in lagu wiiqo qiyamkeena qaran iyo akhlaaqeed iyo in lagu carqaladeeyo qoyskeena iyo qaab dhismeedka bulshadda".

Erdogan ayaa xukunka haya ku dhawaad ​​20 sano, waxaana uu inta badan lagu dhaleeceeyay wararka warbaahinta ee ka baxsan qiyamka uu aaminsan yahay xisbigiisa AK.

Raadiyaha RTUK iyo TV-ga ilaalisa waxay si weyn u kormeeraan dhammaan waxyaabaha ku jira khadka, kaas oo sidoo kale awood u leh inuu meesha ka saaro warbixinada liddiga ku ah dowladda.

Xarumo warbaahin ayaa loo gannaaxay muuqaalo ay ku sheegtay in ay ku xad-gudbinayaan qiyamka Turkiga sidda qoraal ay u aragto in lagu aflagaadeeyay madaxweynaha.

Turkiga ayaa sanadihii ugu dambeeyay sidoo kale u dhaqaaqay inuu kordhiyo kormeerka warbaahinta, iyadoo ku dhawaad ​​90 boqolkiiba warbaahinta waaweyn ay hadda leedahay dowladda ama ay xiriir la leedahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump. Aniga iyo Elon Musk Xiriirkeennii wuu dhammaaday, Cawaaqib xun ayuu la la kulmi doonaa

“Waxaan u maleynayaa inay sidaas tahay, haa,” ayuu yiri Trump markii la weydiiyay haddii uu u maleynayo in xiriirkooda uu dhammaaday.

  • Caalamka

    08-06-2025

  • 08:56AM

Trump oo soo saarey Go'aan culus oo saameynaya Soomaaliya

Tallaabadan ayaa dhaliyay walaac iyo cambaareyn xooggan oo ka imaanaysa bulshada caalamka iyo hay’adaha xuquuqul insaanka.

  • Caalamka

    05-06-2025

  • 10:55AM