Rodrigo Duterte oo ka fadhiistay saaxadda siyaasadda

Image
Madaxweynaha waddanka Filibiin ayaa la sheegay in uu dhisayo gabadhiisa si ay u badasho isaga.

MANILA, Filibin - Madaxweynaha waddanka Filibiin, Rodrigo Duterte, ayaa wuxuu sheegay in uusan u tartami jagada doonin madaxweyne ku xigeenka doorashooyinka sanadka soo socda.

Duterte ayaa shaaca ka dhigay in uu ka fariisan doono siyaasadda marka uu dhammaado muddadiisa. Sanadkii 2016-kii illaa waqti xaadirkan ayuu xafiiska jooga.

Kaligii-taliskan aad ula diriray maandooriyaha ayaa ku dhawaaqay go’aanka la yaabka leh Sabtidii. Dastuurka Filibiin wuxuu madaxweynayaasha u xaddiday lix sano oo keliya.

Go'aankiisa lama filaanka ah ayaa wuxuu dhabaha u xaarayaa warar la isla dhex-marayo oo ah in uu gabadhiisa Sara Duterte-Carpio u diyaarinayo in ay badasho isaga.

In ka badan 60 milyan oo reer Filibiin ah ayaa bisha May u codeyn doona madaxweyne cusub, madaxweyne ku xigeen iyo in ka badan 18,000 oo xildhibaano ah iyo dowladda hoose.

Dadka indha -indheeya siyaasadda ayaa muddo dheer ka shakisanaa in Duterte uu ku dhici karo lama filaan, sida dalabka madaxweynenimo ee gabadhiisa sanadka soo socda.

Duterte-Carpio ayaa mar labaad tartameysa wax yar ka dib markii aabaheed uu iclaamiyey in uu noqonayo howlgab taasoo mucaaradka ay ku sifeeyeen wax ka baxsan mala-awaalkoodda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Belarus oo markii ugu horreysay booqasho ku tagay Kuuriyada Waqooyi

Booqashadan waxay daba socotaa casuumaad uu Kim Jong Un u fidiyay Lukashenko bishii September ee sanadkii hore.

  • Caalamka

    25-03-2026

  • 11:40AM

Bin Salmaan oo ku riixaya Trump sii wadista dagaalka Iiraan, iyadoo laga cabsi qabo khataraha gobolka

Waxaa jira walaac sii kordhaya oo ka dhex jira saraakiisha Mareykanka iyo Sacuudiga…

  • Caalamka

    24-03-2026

  • 04:57PM