Ruushka oo 15 gantaal ku duqeeyay caasimadda Ukraine

Image
Moscow ayaa sheegtay in gantaaladan ay aargoosi u ahaayeen "arbushaad ka dhacdey xuduudka".

MOSCOW, Russia - Mowjado duqeymo ah oo ay geysteen ciidamadda Ruushka ayaa Khamiista maanta ah waxay ka dhaceen caasimadda Ukraine, iyadoo la soo sheegayo in khasaare xooggan uu ka dhashay.

Weeraradan ayaa loo adeegsadey gantaaladii ugu badnaa ee Ruushka ku garaaco waddanka Ukraine tan iyo dhamaadkii bishii Janaayo, markaasoo 11 qof ay ku dhinteen.

Sidoo kale, waxaa la duqeeyay deegaano ay dagan yihiin balse lama soo sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay, sidda laga soo xigtey saraakiisha ammaanka.

"Illaa 15 gantaallo ayaa lagu dhuftey xarunta magaalada Kharkiv iyo gobolka  si lamid ah xarumo kaabayaasha muhiimka ah iyo dhismo ay dad degan yihiin," ayuu yiri sarkaal ka tirsan dowladda Ukraine.

Galbeedka Ukraine, ugu yaraan shan qof ayaa lagu dilay Lviv ka dib markii gantaal uu ku dhacay gurigooda, barasaabka gobolka Maksym Kozytskyi ayaa sidaas ku sheegay ciwaankiisa Telegram.

Hal qof ayaa ku dhintay laba kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaalaha ay duqeeyeen gobolka Dnipropetrovsk, sida uu sheegay barasaabka Serhii Lysak.

Dhanka kale, wakaaladaha wararka ee Ruushka ayaa sheegay in laamaha amaanka ee gobolka Transdniestria ee Moldova oo ay taageerto Moscow ay sheegeen in ay fashiliyeen isku day dil oo ka dhan ahaa hogaamiyaha gobolka.

TASS waxay ka soo xigatay saraakiisha ammaanka in hay’adaha sirdoonka ee Ukraine ay amreen isku daygaas. "Wasaaradda amniga ee gobolka ayaa ku wargelinaysa ka hortagga weerar argagixiso," ayuu yiri.

Afhayeen u hadlay waaxda ammaanka ee Ukraine ayaa sheegay in hoggaanka waddankaas uu arrintan ka shirayo ayna dib ka faalloon karaan xaaladaha ku gadaaman.

Ukraine iyo Ruushka ayaa in ka badan muddo sanad ah waxaa ka dhex-aloolsan colaad galaafatay nolosha boqolaal ruux isla markaana ay ku barakaceen malaayiin ruux oo u badan dad shacab ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Kenyan ah oo xabsi daa’in lagu xukumay qorshe weerar “9/11 u eg” oo ka dhan ah Maraykanka

Bishii Janaayo 2019, Abdullah ayaa raadiyay macluumaad ku saabsan “duullimaadyada Delta” iyo “dhismaha ugu dheer Atlanta.

  • Caalamka

    24-12-2025

  • 08:47AM

Casha Xasan oo Qiratay Lacago Laga Xaday Barnaamijyo Dowladda Mareykanka Ku Taageerto Carruurta Danyarta ah

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha federaalka, Asha Xasan ayaa noqotay…

  • Caalamka

    23-12-2025

  • 02:51PM