Ruushka oo saddex habeen xiriir ah duqeeyay caasimada Ukraine

Image
Weeraradan ayaa lagu waramay in loo adeegsaday gantaalo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

LONDON, United Kingdom - Qaraxyo ayaa laga maqlay magaalada Kyiv, dhowr dhismayaal ayaa gubtay kadib markii Ruushka uu habeenkii seddexaad bartilmaameedsaday caasimadda dalka Ukraine.

Saraakiisha ayaa sheegay in haraadiga gantaalada soo dhacay uu sababay dabka, iyadoo difaaca cirka ee Ukraine uu beegsaday madfaca soo galayay. Ugu yaraan hal qof ayaa la sheegay in uu dhintay.

Ciidamada Cirka ee Ukraine ayaa xusay inay soo rideen dhammaan gantaalada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan Drones ee loo adeegsaday labadii weerar ugu horeeyay

Bartilmaameedyada qaar - oo ay ku jiraan saldhig cirka oo muuqda - ayaa lagu garaacay gobollo kale. Isniintii, mas'uuliyiinta galbeedka Khmelnytskyi ayaa sheegay in shan diyaaradood lagu waxyeeleeyay goob ciidan.

"Waddada ay diyaaraduhu ku ordaan ee halkaas ku taalla ayaa hadda dayactir lagu sameeyay," mas’uuliyiin ayaa intaas ku daray, iyadoo aan wax faahfaahin ah laga bixin.

Madaxweyne Volodymyr Zelensky oo muuqaal laga soo duubay lagu faafiyey baraha bulshadda ayaa ammaanay difaaca hawada ee Patriot ee uu Maraykanku sameeyay ee la siiyay Ukraine.

"Ruushka waxa uu rabaa in uu raaco dariiqa sharka ilaa dhamaadka, taas oo ah, in laga adkaado, sababtoo ah sharku ma lahaan karo meel kale oo aan ahayn guuldarada. Dunidu waa in ay arkaan in argagixsada ay guuldareysaneyso," ayuu Mr Zelensky ku daray.

Milateriga Ruushka ayaa sheegay in dhammaan bartilmaameedyadii ay damacsanaayeen lagu garaacay weeraradii ugu dambeeyay ee Kyiv iyo magaalooyinka kale ee Ukraine.

Sheegashada labadda dhinac ee dagaalamaya ayaan si madax banaan loo xaqiijin. Ukraine iyo Ruushka ayaa u muuqda kuwa wali aanan kala adkaan isla markaana shacabka ay yihiin dhibaneyaasha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo amar xiritaan usoo saaray Netanyahu iyo mas’uuliyiin kale oo lagu eedeeyay “xasuuqa” Gaza

Amarrada xiritaanka Turkiga ayaa sidoo kale su’aalo ka keenay doorka ay Turkigu ka ciyaari karto ciidamada amniga caalamiga ah ee Gaza.

  • Caalamka

    08-11-2025

  • 06:48AM

Putin oo ku dhawaaqay in Ruushka tijaabinayo Hubka Nuclear-ka

Wararka ka imanaya Kremlin-ka waxay sheegayaan in Putin uu mar kale cadeeyay in haddii Maraykanku sameeyo tijaabooyinkan.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 07:52AM