Ruushka oo shaaciyey goorta uu Nukliyeer u adeegsanayo Ukraine

Image
Putin ayaa bishii hore amray in ciidamada Nukliyeerka ee Ruushka la geliyo heegan sare.

MOSCOW, Russia - Afhayeenka aqalka looga taliyo Russia ee Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu ku caddeeyay in dalkiisa Ruushka uu kaliya isticmaali doono hubka Nukliyeerka haddii jiritaankiisa la halis geliyo.

Faallada Peskov ayaa timid iyadoo wariyaha CNN ee Christiane Amanpour ay waydiisay inuu "ku qanacsan yahay ama ku kalsoon yahay" in madaxweyne Vladimir Putin uusan u isticmaali doonin nukliyeerka xaaladda Ukraine.

Putin ayaa bishii hore amray in ciidamada Nukliyeerka ee Ruushka la geliyo heegan sare. Bishii Diseembar ayuu sheegay in Ruushku uu yahay hogaamiyaha caalamiga ah ee gantaalaha hypersonic-ka, kuwaas oo xawaarahooda, farsamayntooda iyo jooggoodaba ay ka dhigayso mid adag in la raad raaco oo la qabto.

Iyadoo fulinaysa amarka, wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay 28-kii Febraayo in ciidamadeeda gantaallada nukliyeerka ah iyo maraakiibta waqooyiga iyo Pacific la geliyey waajibaad dagaal oo la xoojiyay, sida ay warisay wakaaladda wararka ee Interfax.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa 14-kii Maarso sheegay in "rajada colaadda Nukliyeerka, oo mar aan la malayn karin, ay hadda ku soo laabatay saaxadda suurtagalnimada".

Peskov ayaa sidoo kale wuxuu u sheegay warbaahinta CNN in dagaalka Ruushka ee Ukraine uu "si adag u socdo si waafaqsan qorshooyinka iyo ujeedooyinka la aasaasay ka hor".

Hadalkan ayaa yimid ka dib markii madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu ka digay in Putin uu ka fiirsanayo isticmaalka hubka kiimikada iyo bayoolojiga ee Ukraine, isagoo ku tilmaamay xeeladaha Moscow mid sii kordhinaysa "arxandarro".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump Oo Gaaray Shiinaha Kahor Shir Uu La Yeelanayo Xi Jinping

Ajandaha ugu weyn ee wada-hadallada ayaa lagu sheegay xiisadda Iran, oo Mareykanku doonayo in uu ka helo taageero caalami ah.

  • Caalamka

    13-05-2026

  • 12:58PM

Xaaladda Telefoonnada Dahabka ah ee Trump: Dadkii Lacagta bixiyay oo weli sugaya

Aanay ka dhignayn heshiis iib oo dhammaystiran ama ballanqaad ah in qofka loo soo rari doono qalabkaas.

  • Caalamka

    12-05-2026

  • 11:49AM