Ruushka oo tijaabiyey gantaalka nooca isaga gudba qaaradaha

Image
Mareykanka ayaa hoos-u-dhigay in uu walwal ka qabo talaabada xukuumadda Washington.

MOSCOW, Russia - Ruushka ayaa sheegay in uu tijaabiyay gantaalkiisa cusub ee Sarmat ee isaga gudba qaaradaha. Madaxweyne Vladimir Putin ayaa xusay in ay tani fariin u tahay kuwa isku daya inay u hanjabaan Ruushka.

Waxaa laga soo daayay TV-ga iyadoo ay ciidamadu ay Putin warbixin ku siiyeen in gantaalka laga soo tuuray Plesetsk oo ku taal waqooyi-galbeed ee dalkaas, uuna ku dhacay bartilmaameedyo ku yaalla gacanka Kamchatka ee bariga fog ee Ruushka.

Pentagon-ka ayaa tibaaxday in tallaabadani aysan khatar ku ahayn Mareykanka iyo xulafadiisa, iyadoo Moscow ay "si sax ah u ogeysiisay" Washington tijaabadan iyada oo la raacayo waajibaadkeeda heshiiska Nukliyeerka.

"Ma ahayn wax la yaab leh," afhayeenka Pentagon-ka John Kirby ayaa u sheegay suxufiyiinta. Kirby wuxuu u muuqda mid hoos-u-dhigaya in Mareykana ka walwalay gantaalka.

Wax yar ka hor, Putin waxa uu sheegay in gantaalka cusub ee Sarmat – oo awood u leh inuu ku garaaco bartilmaameedyada riddada dheer – uu dalkiisa ka badbaadinayo "khataraha cadowga".

Putin ayaa caddeeyey in Ruushku uu ku guulaysan doono ujeeddooyinkiisa millatari ee gobolka Donbas ee bariga Ukraine, taas oo uu yidhi, "in ay u oggolaanayso dadka inay dib u bilaabaan noloshooda caadiga ah".

Isagoo ka hadlayay kulan ka dhacay Kremlin ee looga gol leeyahay in lagu hormariyo Ruushka, Putin ayaa sheegay in Moscow ay ku qasabtay in ay "howlgal militari" ka bilowdo Ukraine sababtoo ah "musiibada" ka dhacday Donbas.

"Anigu markii horeba waan idhi - ujeedada hawlgalkan waa in aan caawinno dadkeena ku nool Donbas," ayuu carabka ku adkeeyay isaga oo u muuqda mid marmarsiyo u raadinaya duulaanka uu ku qaadey Ruushka.

Isagoo la hadlaya gabadh ku soo biirtay kulanka Sevastopol ee Crimea, oo Ruushku ka qabsaday Ukraine 2014, wuxuu yidhi: "Waxaan u dhaqmi doonaa si joogto ah oo aan hubinno in noloshu ay si tartiib tartiib ah u noqon doonto mid caadi ah, way isbedeli doontaa si ka wanaagsan - sida ay ku dhacday adiga, noloshaada, Sevastopol".

Putin ayaa si joogto ah u isticmaalaa sannad-guuradii ka soo wareegtay la wareegitaanka Jaziiradda Crimean ee Ukraine si uu u muujiyo jacaylka uu u qabo waddankiisa hooyo taasoo reer galbeedka ku sifeeyeen "qar iska xoornimo".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ruushka iyo Ukraine oo Is-dhaafsaday Maxaabiis iyo Weeraro Cusbaa oo lagu qaadey Kyiv

Is-dhaafsigan ayaa noqonaya kii ugu weynaa ee tan iyo markii uu bilowday dagaalku, waxaana lagu qabtay xadka Ukraine iyo Belarus .

  • Caalamka

    24-05-2025

  • 04:20PM

Iran: Maraykanka kula xisaabtami doonaa Haddii Israel Weerarto Goobaheena Nukliyeerka 

Israel ma aysan xaqiijin qorshe kasta oo weerar ah, balse madaxda sare ee dalkaasi oo uu ku jiro Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu.

  • Caalamka

    22-05-2025

  • 02:53PM