Ruushka oo xannibay 4 markab oo galley u siday Masar

Image
Deked ku taal Mariupol, Ukraine 13 Janaayo 2022- Xuquuqda Sawirka: Christopher Occhicone/Bloomberg

CAIRO- Ukrain ayaa shalay ku eedaysay Ruushka in uu is hortaagay afar markab oo ku sii jeeday Masar oo sida Qamadi iyo galley kuwaas oo ka baxayay dekedaha Ukraine.

"Markabka Riva Wind wuxuu diyaar u ahaa inuu keeno 27,000 metric ton oo galley ah Masar - si loogu quudiyo in ka badan hal milyan oo qof muddo bil ah," safaaradda Ukraine ee Masar ayaa ku tiri Facebook.

Safaaradda ayaa tilmaamtay in Moscow xayiraad ku soo rogtey "Dhulka Badda Madow, taasoo ka hor istaagtay markabka inuu u shiraacdo Masar isagoo ka soo baxay dekedda Pivdennyi ee Ukraine."

24-kii Maarso, safaaraddu waxay bayaan ku sheegtay in Kyiv "ay ku dadaali doonto inay Masar siiso sarreen, isla marka uu dagaalku istaago."

Tan iyo bilowgii dagaalka Ruushka ee Ukraine 24-kii Febraayo, dalal badan oo Carbeed iyo Khaliijka ayaa isku dayay inay sugaan baahidooda cunto.

Masar ayaa in ka badan siddeed milyan oo tan ka soo dhoofsata Ruushka sannadkii, iyo afar milyan oo kale oo laga keeno Ukraine, sida lagu sheegay xogta rasmiga ah.

24kii Febraayo, Ruushku wuxuu bilaabay dagaal ka dhan ah Ukraine, kaas oo ay ku xigto cambaareyn caalami ah iyo cunaqabatayn dhaqaale iyo dhaqaale oo adag oo lagu soo rogay Moscow.

Safaaradda Ukraine ayaa dhawaan sheegtay in Moscow ay ka hortagtay dhaq-dhaqaaqa maraakiibta Masar ee sida qamadiga, balse safaaradda Ruushka ee Qaahira ayaa beenisay eedeymahaas.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Putin oo aag laga ilaaliyo amniga Ruushka ka sameynaya xuduudda Ukraine

Dhanka kale, Khamiistii, gobolka Kursk ayaa markale la weeraray. Sida uu sheegay guddoomiyaha ku meel gaarka ah ee gobolka.

  • Caalamka

    26-05-2025

  • 04:44AM

Ruushka iyo Ukraine oo Is-dhaafsaday Maxaabiis iyo Weeraro Cusbaa oo lagu qaadey Kyiv

Is-dhaafsigan ayaa noqonaya kii ugu weynaa ee tan iyo markii uu bilowday dagaalku, waxaana lagu qabtay xadka Ukraine iyo Belarus .

  • Caalamka

    24-05-2025

  • 04:20PM