Ruuska oo shaaciyay in Ukraine laga dilay bishan 17 kun oo askri

Image

MOSCOW - Wasiirka difaaca ee Ruushka Sergei Shoigu ayaa maanta ku dhawaaqay tirada guud ee khasaaraha Ukraine gaaray bishan, isaga oo xusay in Ukraine ay dagaalkan ku waaysay ciidmo tira badan.

Sergei Shoigu ayaa ku sheegay, kulan ay yeesheen Wasaaradda Difaaca Ruushka Talaadadii, in ciidamada Ruushku ay sii wadaan hawlgallada gaarka ah si ay uga adkaadaan cadowga.

Shoigu waxa uu soo hadal qaaday khasaaraha soo gaaray ciidamada Ukraine bishan September, wuxuuna sheegay inay gaarayaan in ka badan 17 kun oo qof, iyo in ka badan 2.7 kun oo qalab dagaal oo isugu jira hub iyo agab ciidan.

Shoigu ayaa yiri: "Maraykanka iyo xulafadiisa waxay sii wadaan inay hubeeyaan ciidamada qalabka sida ee Ukraine, iyo in Kiev ay askar aan mla soo tababarin dagaalka ku tuuraan.”

Waxa uu intaa ku daray in Wasaaradda Difaaca ee Ruushka ay ka shaqaynayso sidii kor loogu qaadi lahaa awoodda dagaalka ee ciidamada qalabka sida, oo ay ka mid tahay in la helo hub casri ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Putin oo ku dhawaaqay in Ruushka tijaabinayo Hubka Nuclear-ka

Wararka ka imanaya Kremlin-ka waxay sheegayaan in Putin uu mar kale cadeeyay in haddii Maraykanku sameeyo tijaabooyinkan.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 07:52AM

Omar Fateh oo Aqbalay Guuldarradiisa Doorashada Duqa Magaalada Minneapolis

Haddii uu guuleysan lahaa, Omar Fateh wuxuu noqon lahaa duqii ugu horreeyay ee Muslim ah, Soomaali Maraykan ah.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 05:24AM