Sacuudi Carabiya iyo Israa’iil oo ku dhow inay gaaraan heshiis

Image
Dawladaha carabta ayaa riixaya in la dhiso dowlad Falastiin taa beddelkeedana ay aqoonsan doonaan Israa’iil.

Washington (GO) - Xoghayaha Arimaha Dibadda ee Mareykanka Anthony Blinken ayaa sheegay in Mareykanka iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya ay sameeyeen "shaqo balaaran" bilihii la soo dhaafay oo ku aadan heshiiska dhaxmara Boqortooyada iyo Israa'iil.

Intii lagu guda jiray Shirka Golaha Dhaqaalaha Adduunka ee lagu qabtay Riyadh, Blinken ayaa dhigay laba arrimood oo ay tahay in la xaqiijiyo si labada dal ay heshiis u gaaraan, kuwaas oo kala ah xasillooni laga abuuro Qasa iyo waddo lagu kalsoonaan karo oo lagu dhisayo dowlad Falastiin.

Dhiniciisa, wasiirka arrimaha dibedda ee Sacuudiga Faisal Bin Abdullah ayaa isniintii sheegay in heshiiska u dhexeeya Washington iyo Riyadh uu marayo maxaladihii u dambeeyey.

Dawladaha carabta ayaa riixaya in la dhiso dowlad Falastiin taa beddelkeedana ay aqoonsan doonaan Israa’iil, heshiiskaas oo ka soo horjeedo Raiisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM