Sacuudi Carabiya iyo Xuutiyiinta oo is-dhaafsadey maxaabiis dagaal

Image
Yemen ayaa waxaa hareeyay rabshado iyo xasillooni darro tan iyo sannadkii 2014-kii.

RIYADH, Sacuudi Carabiya - Boqortooyadda Sacuudi Carabiya iyo fallaagada Xuutiyiinta Yemen ayaa kala beddeshay maxaabiis dagaal, sidda uu shaaca ka dhigay sarkaal sarre oo ka tirsan koxoda hubeysan.

Cabdul Qader al-Murtada, oo ah madaxa guddiga arrimaha maxaabiista ee fallaagada ayaa bayaan ku sheegay in 13 ka mid ah Xuuthiyiinta ay Riyadh sii deysay kuna badalatay maxbuus Sacuudiyaan ah.

"Waxaan rajeyneynaa in tallaabadani ay horudhac u noqon doonto hirgelinta heshiiskii horay loogu heshiiyey," ayuu yiri, isagoo aan bixin wax tafaasiil dheeri ah.

Ma jiro wax xaqiijin ah oo ku saabsan is-dhaafsiga maxaabiista oo illaa haatan kasoo baxay dhinaca mas'uuliyiinta Sacuudiga oo aan ka jawaabin codsi faallo ka bixin ah.

Sabtidii, dawladda Yemen waxay sheegtay in maxaabiis ay ku kala beddesho fallaagada Xuutiyiinta oo 887 maxbuus la qorsheeyay in lagu sii daayo dib loo dhigay illaa 14-ka Abriil.

Sannadkii hore, dowladda Yemen iyo fallaagada Xuutiyiinta ayaa kala saxiixday heshiis ay Qaramada Midoobay garwadeen ka tahay oo lagu soo daayay 2,000 oo maxbuus, balse sii deyntooda ayaa la carqaladeeyay iyadoo labada dhinac ay ku eedeeyeen jebinta heshiiska.

Yemen ayaa waxaa hareeyay rabshado iyo xasillooni darro tan iyo sannadkii 2014-kii, markaasoo fallaagada Xuutiyiinta ee xulafada la ah Iran ay qabsadeen inta badan dalkaas oo ay ku jirto caasimadda Sanca.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay tahay sababta uu isku-casilay Keir Starmer, Ra’iisul Wasaaraha Britain?

Sanadkii 2024, Starmer ayaa xisbigiisa Labour ku hoggaamiyay guushii ugu weynayd ee baarlamaanka tan iyo 1997.

  • Caalamka

    22-06-2026

  • 09:28AM

Ra’iisul Wasaaraha Britain oo wajahaya cadaadis sii xoogeysanaya, isagoo ka fiirsanaya iscasilaad

Starmer ayaa muddooyinkii dambe wajahaya hoos u dhac ku yimid taageeradiisa, qaladaad dhanka siyaasadda ah iyo fadeexado isa soo tarayay.

  • Caalamka

    21-06-2026

  • 03:26PM