Sacuudi Carabiya oo beenisay in Wasiirka Ganacsiga uu la kulmay dhiggiisa Israel

Image

Riyadh (GO) - Ilo rasmi ah ayaa beeniyey eedaynta lagu faafiyey baraha bulshada ee ku saabsan in kulan dhexmaray wasiirka ganacsiga iyo sarkaal Israa'iili ah.

War ay daabacday wakaaladda wararka Sucuudiga ayaa lagu yidhi, “Mas’uul ka tirsan Dowladda Sucuudiga ayaa beeniyey muuqaalka lagu wareejiyay baraha bulshada ee ku saabsan kulan uu Wasiirka Ganacsiga la yeeshay sarkaal Israa’iili ah”

Wakaaladdu oo soo xiganaysa mas’uulkan ayaa intaa ku dartay, “Muqaalku waxaa la qaaday xilli uu Wasiirka la taaganaa Wasiirka Ganacsiga Nigeria ka hor inta aanu furmin Shirweynaha Saddex iyo Tobnaad ee Wasiirrada Ururka Ganacsiga Adduunka ee ka dhacaya caasimadda Imaaraadka ee Abu Dhabi.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in markaas uu u soo baxay sakraalka Israa'iiliga ah si uu u salaamo, ka dibna waxa uu isu sheegay in uu yahay Wasiirka Dhaqaalaha ee dawladda Israa’iil.

Wakaaladdu waxay sii wadataa, "Isha ayaa sidoo kale xaqiijisay mowqifka adag ee Boqortooyada Sacuudiga ee qadiyadda Falastiin iyo taageerada ay u fidiyaan dadka Falastiiniyiinta ah".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Militariga Mareykanka oo beeniyay sheegasho Iran ka soo baxday 

Iran ayaa marar badan ku andacootay weerarro ka dhan ah ciidamada Mareykanka ama xulafadiisa gobolka.

  • Caalamka

    04-05-2026

  • 12:15PM

Trump: Mareykanka wuxuu bilaabaya galbinta maraakiibta marinka Hormuz

Marinka Hormuz ayaa ah marin aad muhiim ugu ah ganacsiga caalamka, gaar ahaan dhoofinta shidaalka.

  • Caalamka

    04-05-2026

  • 09:30AM