Sacuudi Carabiya oo dacwad ka dhan ah Imaaraadka u gudbisay Qaramada Midoobay

Image
Warbaahinta Maraykanka ayaa sheegtay inuu jiro "khilaaf sii kordhaya" oo u dhexeeya labada waddan.

Riyadh (GO) - Dukumeenti rasmi ah oo lagu daabacay website-ka Qaramada Midoobay ayaa shaaca ka qaaday diidmada Sacuudi Carabiya ee ku dhawaaqida Imaaraatka in dhulka "Al Yasat" uu yahay aag badeed la ilaaliyo.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sacuudiga ayaa sheegtay, sida ku xusan qoraalka Qaramada Midoobay, in Boqortooyada “aysan aqoonsan... wax tallaabo ah oo ay qaado dowladda Imaaraadka Carabta kuna aadan aagga "Al Yasat" oo ku yaal xeebaha Sacuudiga.”

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Imaaraadka.

Tani waxay ku soo beegmaysaa iyadoo warbaahinta Maraykanku ay sheegtay inuu jiro "khilaaf sii kordhaya" oo u dhexeeya labada waddan, kaas oo ku saabsan xiisada Yemen iyo go'aamada Ururka Waddamada Shidaalka dhoofiya (OPEC).

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo la Kulmay Madaxweynaha Suuriya Ahmad al-Sharaa 

Trump ayaa booqashadiisa Sacuudiga ka bilaabay Talaadadii, waxaana qayb ka ah safar uu ku tegayo dalalka Khaliijka.

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 08:40AM

Xisbiga Xasan Sheekh ee JSP oo Laga Digay In Dalka U Jiheeyo Nidaam Kaligii-Talis ah

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu eedeeyay inuu tolanayo shaar isaga la eg, maadaama uu dhistay xisbiga JSP.

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 07:45AM