Sacuudiga oo galay heshiis aan horey loo arag

Image
Heshiiskaan oo ah kii ugu waynaa ee abid ay shirkadaasi gasho ayaa dowladda Sucuudiga.

RIYADH, Saudi Arabia - Boqortooyadda Sucuudi Carabiya ayaa la saxiixatay heshiis cusub wadanka Turkiga, sidda laga soo xigtey Wakaaladda Wararka Sacuudiga SPA.

Booqashada madaxweyne Erdogan uu ku tagay maalinkii shalay wadanka Sacuudiga isaga oo ay la socdeen in ka badan 200 ganacsade wadankiisa u dhashay.

Shirkadda samaysa Agabyada difaaca ee Hubka iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Baykar ayaa Heshiis cusub la gashay dowladda Sucuudiga, oo drone uga iibinayso.

Heshiiskaan oo ah kii ugu waynaa ee abid ay shirkadaasi gasho ayaa dowladda Sucuudigu ku heli doontaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo noocyo kala duwan oo Hub ah.

Sidoo kale, dhinacyada ayaa ka heshiiyay fulinta qorshayaashaas iyada oo madaxweyne Erdogan uu maanta usii gudbay dalka Qadar halkaasi oo uu ka sii aadi doono Imaaraatka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo taageeray amniga Sacuudiga xilli ay sii kordhayaan weerarrada Xuutiyiinta

Wuxuu sheegay in Sacuudiga laga yaabo inuu u baahdo taageero milatari, gaar ahaan dhinacyada farsamada.

  • Caalamka

    20-09-2026

  • 12:17PM

Xuutiyiinta Yemen oo sheegay inay weerareen goobo xasaasi ah oo ku yaalla Sacuudiga

Dagaalladii ayaa muddo hoos u dhacay, balse xaaladda ayaa mar kale si weyn u kacsatay toddobaadyadii lasoo dhaafay.

  • Caalamka

    20-09-2026

  • 06:30AM