Sacuudi Carabiya oo ku dhawaaqday maalinta ay bilaabi doonaan raadinta dhalashada bisha Ramadaan

Image
Maxkamadda sare ee dalkaasi ayaa soo saartay bayaan ay ku sheegeen maalinta ay bilaabi doonaan.

Riyadh (GO) - Maxkamadda Sare ee Sacuudi Carabiya ayaa maanta ugu baaqday dhammaan Muslimiinta ku nool Boqortooyada Sacuudiga inay baaraan aragtida bisha Ramadaan fiidnimada Axadda oo ku beegan 10-ka Maarso.

Maxkamadda sare ayaa ku sheegtay bayaan ay daabacday wakaaladda wararka Sacuudiga ee SPA:

"Maxkamadda sare waxay codsanaysaa in qof kasta oo bisha ku arka indhihiisa qaawan uu ku wargeliyo maxkamadda ama xarunta dowladeed ee si uu u diiwaan geliyo”.

Maxkamaddu waxay intaa ku dartay: “Maxkamadda sare waxay rajaynaysaa in ciddii kasta ay arrintan fiiro gaar ah u yeelato, oo ay ku biiraan guddiyada loo sameeyay gobollada.”

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Sacuudiga oo hab cusub ku dhoofinaya shidaalka kadib cadaadiska Hormuz iyo Bab al-Mandab

Markab Sacuudigu leeyahay ayaa shidaalka kasoo qaada dekedaha Khaliijka, kadibna…

  • Caalamka

    19-09-2026

  • 08:00AM

Kuuriyada Waqooyi oo diiday go’aan ka dhan ah barnaamijkeeda nukliyeerka

Wasaaradda ayaa Sabtidii sheegtay in Kuuriyada Waqooyi ay weligeed ahaan doonto quwad nukliyeer ah.

  • Caalamka

    19-09-2026

  • 05:18AM