Sacuudiga iyo Imaaraadka oo hanjabaad uga timid Mareykanka

Image
Dhawaqan ayaa ka dhashay markii labadan dal ay meelmariyeen go'aan loo arkay in uu guul u yahay Ruushka oo wajahaya cadaadis caalami ah.

NEW YORK, United States - Qaar ka mid ah sharci-dejiyeyaasha Dimuqraadiga ayaa ku gacan seyray go'aanka ay gaareen OPEC iyo Ruushka (Opec+) ee lagu dhimayo wax soo saarka saliidda laba milyan oo fuusto maalintii, iyagoo soo jeediyay sharci ka saaraya dhammaan ciidamada Mareykanka iyo nidaamyada gantaallada ee Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta, oo ah laba ka mid ah saliidda soo saarayaasha ugu weyn ee isbahaysigan.

Sharcigan ayaa waxaa Arbacadii soo saaray Tom Malinowski, Sean Casten iyo Susan Wild, wuxuuna si toos ah uga jawaabay go’aankii OPec+ ee ahaa in la dhimo wax soo saarka saliidda, taasoo falanqeeyayaasha suuqa ay sheegeen inay ku qasbi doonto qiimaha saliidda inuu kordho 100 dollar foostadii mar kale.

Waxa ay sidoo kale ku eedeeyeen Sucuudiga in uu la safan yahay Ruushka si uu sare ugu qaado qiimaha iyada oo ay jiraan calaamado muujinaya in dhaqaalaha adduunku uu hoos u dhacayo.

Tallaabada Arbacadii ayaa loo arkay in Moscow ay guul u tahay maadaama ay wajaheyso khasaarooyin goob dagaal oo Ukraine ah, iyo hoos u dhac ku yimid dakhliga ka imaanayay qiimaha saliidda toddobaadyadii la soo dhaafay.

"Ma aragno sabab ay ciidamada Mareykanka iyo qandaraaslayaasha ay u sii wadaan adeeggan ay siinayaan dalalka sida aadka ah nooga soo horjeeda, haddii Sacuudiga iyo Imaaraadka ay doonayaan inay caawiyaan Putin, waa inay isaga ka eegaan difaacooda," ayay xildhibaanadu ku yiraahdeen qoraal.

"Waxaa la joogaa waqtigii Mareykanka uu dib u bilaabi lahaa inuu u dhaqmo sida quwadda sare ee xiriirka aan la leenahay dowladaha aan macaamiisha u nahay ee Khaliijka, waxay sameeyeen doorasho waana inay la noolaadaan cawaaqibka ka dhalan kara, ciidamadeena iyo agabka militariga ayaa looga baahan yahay meelo kale."

Horaantii sanadkan, Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa booqasho ku tagay Boqortooyada qaniga ku ah Saliida, wuxuuna la kulmay Dhaxal sugaha Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan, isagoo isku dayaya inuu hagaajiyo xiriirka dalalka. Xidhiidhku wuu xumaaday maalmihii hore ee maamulka Biden.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ruushka iyo Ukraine oo Is-dhaafsaday Maxaabiis iyo Weeraro Cusbaa oo lagu qaadey Kyiv

Is-dhaafsigan ayaa noqonaya kii ugu weynaa ee tan iyo markii uu bilowday dagaalku, waxaana lagu qabtay xadka Ukraine iyo Belarus .

  • Caalamka

    24-05-2025

  • 04:20PM

Iran: Maraykanka kula xisaabtami doonaa Haddii Israel Weerarto Goobaheena Nukliyeerka 

Israel ma aysan xaqiijin qorshe kasta oo weerar ah, balse madaxda sare ee dalkaasi oo uu ku jiro Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu.

  • Caalamka

    22-05-2025

  • 02:53PM