Sacuudiga oo kaliya sanadkan 2024 fuliyay 198 dil toogasho ah

Image
Tiradii ugu dambeysay ee dhaaftay heerarkii ugu badnaa waa 196 oo ah 2022 iyo 192 oo ah 1995.

RIYADH, Saudi Arabia - Sacuudi Carabiya ayaa fuliyay tiraddii ugu badneyd ee dil toogasho ah in ka badan muddo sodon sano ah, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP.

Sida laga soo xigtay tirokoobkii ugu dambeeyay, Boqortooyadda Sacuudiga ayaa kaliya sanadkan 2024 waxay fulisay guud ahaan 198 dil toogasho ah.

Sida ay sheegtay Amnesty International, Sacuudiga ayaa kaalinta saddexaad kaga jira wadamadda dilka toogashadda ku fuliya maxaabiista ugu badan caalamka marka laga reebo Shiinaha iyo Iran sanadkii 2023.

Tiradii ugu dambeysay ee dhaaftay heerarkii ugu badnaa waa 196 oo ah 2022 iyo 192 oo ah 1995, sida laga soo xigtay kooxda xuquuqul insaanka ee fadhigeedu yahay London, oo tirokoobka bilaabay 1990.

Amnesty ayaa ku eedaysay Sucuudiga in ay "baacsanayaan dil aan kala joogsi lahayn" iyadoo kooxda xuquuqul insaanka ay xaqiijisay 198 dil oo ka dhacay boqortooyada Khaliijka sanadkan.

Boqortooyada qaniga ku ah saliida ayaa la kulantay dhaleecayn joogto ah oo ku saabsan adeegsiga ciqaabta dilka, taasoo ay hay’adaha xuquuqul insaanka ku cambaareeyeen.

Hay'adda Amnesty ayaa talaabadan ku tilmaamay mid xad dhaaf ah oo ka baxsan dadaalka Sacuudiga uu ku doonayo inuu ku soo bandhigo muuqaal casri ah oo ku saabsan masraxa caalamiga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Australia iyo Israel oo Isku Dhacay kadib Markii Netanyahu aflagaadeeyay Anthony Albanese

Netanyahu ayaa si caro leh uga falceliyay, isagoo ku eedeeyay Albanese inuu “ka tegey Yuhuudda Australia.”

  • Caalamka

    20-08-2025

  • 05:55AM

Iran oo Diyaar u Ah in ay Xaddido Barnaamijka Nukliyeerka Haddii Cunaqabataynta La Qaado

Baghaei ayaa sheegay in wadahadallada hay’adda ilaalinta nukliyeerka ay dhowaan sii socon doonaan.

  • Caalamka

    19-08-2025

  • 11:08AM