Sacuudiga oo taageeray xabad-joojinta UN-ka ee Yemen

Image
Xabbad joojinta ayaa la filayaa inay hakiso dhammaan howlgallada milateri ee ka socda Yemen iyo xuduudka Sacuudiga iyo Yemen.

RIYADH - Sacuudi Carabiya ayaa soo dhaweysay ku dhawaaqista ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Yemen ee ku aadan xabad joojinta dhexmarta dhinacyada isku haya dalkaas  inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan, sidaas waxaa warisay Wakaaladda Wararka Sacuudiga Sabtidii.

Bayaanka taageerada waxaa oo la soo mariyey Wasaaradda Arrimaha Dibadda Boqortooyada Sucuudiga ayaa sidoo kale " u mahadcelisay dadaalka" Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Yemen Hans Grundberg ee fududeynta xabbad joojinta.

Xabbad joojinta ayaa la filayaa inay hakiso dhammaan howlgallada milateri ee ka socda Yemen iyo xuduudka Sacuudiga iyo Yemen.

Talaabadan "waxay ku timi nuxurka hindisaha Sacuudiga ee ah in la soo afjaro xiisadda Yemen lagana gaaro xal siyaasadeed oo dhameystiran, kaas oo lagu dhawaaqay March 2021," sidaas waxaa  lagu sheegey bayaanka wasaaradda arimaha dibada boqortootada.

War qoraal ah oo lala wadaagay warbaahinta, Grundberg ayaa laga soo xigtay isagoo leh, "Waxay sidoo kale ku heshiiyeen in maraakiibta shidaalka ay galaan dekedaha Xudeydah halka sidoo kale  duulimaadyo ganacsi la isla ogolaadey iney ka hawlgalaan kana baxaan garoonka diyaaradaha Sanca si ay u tagaan goobo  kale ee gobolka ah."

"Tallaabada waa la cusboonaysiin karaa wixii ka dambeeya labada bilood iyadoo la marinayo ogolaanshaha dhinacyada," ayuu raaciyay Grundberg. "Ujeedada heshiiskan waa in dadka Yamaniinta ah ka nastaan colaada joogtada ah si wax looga qabto  dhibaatada bini'aadantinimo iyo tan ugu muhiimsam oo ah rajada in la soo afjaro  iskahorimaadkan ay suurtagal u noqoto."

Grundberg ayaa u mahad celiyay daneeyayaasha gobolka iyo kuwa caalamiga ah taageeradooda gacan ka geysanaya in xabad joojinta la gaaro.

"Dhammaan haweenka Yemen, ragga iyo carruurta si xun u soo gaadhay dagaalka toddobo sano ka badan ma filayaan wax aan ka yarayn soo afjaridda dagaalka," ayuu yidhi.

Dhinaca kale dalka Imaraadka Carabta oo qayb ka ahaa dagaalka lagu burburiyey dalka Yemen ayaa soo dhoweyeey xabad joojintaan.

Hutiyiinta ayaa bilihii ugu dambeeyey awood u yeeshey iney duqeeyaan magaalooyinka waaweyn ee dalalka Sucuudiga iyo UAE taasi oo cabsi weyn ku abuurtey in Mustaqbalka dagaalka Yemen gaaro xarumahooda ganacsi. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bariga Quddus: Weerar lagu qaadey Bus ay Israa'iiliyiin la socdeen

Israel ayaa ku dhawaad 2 sano xasuuq kawada magaaladda Gaza, iyado dishay in ka badan 60,000 oo shacab ah.

  • Caalamka

    08-09-2025

  • 09:26AM

Midowga Yurub oo Google ku ganaaxay $3.5 bilyan; Trump oo cambaareeyay

Go’aankani wuxuu imaanayaa in ka badan laba sano kadib markii guddigu dacwadda rasmiga ah ka gudbiyay Google.

  • Caalamka

    07-09-2025

  • 06:42AM