Sacuudiyaan loo xiray dilka Jamal Khashoggi oo lasii daayey

Image
Khaled Alotaibi, oo 33 jir ah, ayaa Talaadadii lagu xiray garoonka diyaaradaha ee magaalada Paris.

PARIS, Faransiiska - Dacwad oogayaasha Faransiiska ayaa sii daayay nin Sacuudiyaan ah oo loo haystay dilka Jamal Khashoggi kaddib markii ay u soo baxdey maxsuul ah in uu ahaa dhibane la qaldey aqoonsigiisa, sida ay ku warantay warbaahinta maxaliga ah ee dalkaas.

Khaled Alotaibi, oo 33 jir ah, ayaa Talaadadii lagu xiray garoonka diyaaradaha ee Magaalada Paris, iyadoo loo cuskaday warqad amar ah oo uu bixiyay Turkiga.

Ilaalada Sacuudiga oo isku magac iyo da’ ah ayaa ku jira liiska cunaqabateynta Mareykanka ayaga oo looga shakisan yahay dilka 2018-kii ee ka dhacay gudaha qunsuliyadda Boqortooyada ee magaalada Istanbul ee Turkiga.

Khashoggi, oo ah saxafi u dhashay Sacuudiga haysatana dhalashadda dalka Mareykanka isla markaana aad u dhaleeceyn jiray dhaxal-suge Maxamed Bin Salmaan ayaa dhaliili jiray dowladda Sacuudiga.

Dacwad oogayaasha Sucuudiga ayaa sheegay in lagu dilay "hawlgal khiyaano ah" oo ay fuliyeen koox wakiillo ah oo loo diray si ay uga dhaadhiciyaan inuu ku laabto Boqortooyada.

Laakiin baarayaal ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa ogaadey in Khashoggi uu ahaa "dhibane dil ula kac ah, oo la sii qorsheeyay" wuxuuna sheegay in ay jirto cadeymo lagu kalsoonaan karo oo muujinaya in mas'uuliyiin sarsare oo Sucuudi ah oo uu ku jiro dhaxal-sugaha Boqortooyada Maxamed Bin Salmaan uu ku lug lahaa. Balse wuu beeniyay.

Khashoggi, oo si iskiis ah musaafuris ugu galay Mareykanka sanadkii 2017, ayaa markii ugu dambeysay la arkay isagoo sii galaya qunsuliyadda 2-dii October 2018. Wuxuu isku dayayay inuu helo warqado uu u baahan yahay si uu u guursado gacalisadiisa reer Turki Hatice Cengiz.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xarumaha shidaalka Sacuudiga oo la weeraray maalin kadib heshiiskii difaaca ee Turkiga iyo Pakistan

Waxaan diyaarad aan duuliye lahayn ku beegsanay warshadda sifaynta shidaalka ee Aramco ee Jazan, Sacuudiga.

  • Caalamka

    09-08-2026

  • 08:56AM

Heshiiska Sacuudiga, Pakistan iyo Turkiga: Difaac cusub mise fariin istiraatiiji ah?

Si kastaba, su’aasha ugu weyn ayaa ah in heshiiskani dhab ahaan noqon doono qaab difaac wadajir ah oo wax ku ool ah.

  • Caalamka

    08-08-2026

  • 07:09PM