Sadex tilaabo oo aad isaga ilaalin karto Kaamiradaha qarsoon

Image

Dunida casriga ayaa waxaa kor usii kacaya adeegsiga Technologyada iyada oo taasi keentay in la isu adeegsado Comeradaha sida qarsoodiga ah wax u duuba.

Hadaba sida ugu fudud ee aad uga badbaadi karto in comeradaha qarsoodiga ah ay wax kaa duubaan ayaa ah:

1. Comeradaha wax duuba badankood waxaa ay bixiyaan dhalaal maadaama oo uu kujiro "Lences" sidaas darteed waxaad samayn kartaa hadii ay Hall ama qol tahay fadlan deni dhamaan nalalka kadib fiiri meel uu dhalaal kasoo baxayo meelahaas hubi waxaa ay yihiin.

2. Fur Wifi oo eeg qalabka uu hayo sababta oo ah inta badan Comeradaha qarsoon waxaa ay ku shaqeeyaan internet sidaas darteed waxaad ka arki kartaa wifi taleefankaaga waxa uu hayo hadii la damiyo Wifi in aysan shaqayn ayaa laga yaabaa.

3. Si gaar ah isaga hubi geesaha ama "Angles" ka qolka iyo goobaha nalka ama meesha la dhigo nalalka sariiraha geeskooda la dhigo.

Khubarada Technologyada ayaa walaac ka muujiya isticmaalka aan haboonayn ee duubista qarsoodiga ah taasi oo xiliyada qaar keenay in loo isticmaalo dad caan ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Kenyan ah oo xabsi daa’in lagu xukumay qorshe weerar “9/11 u eg” oo ka dhan ah Maraykanka

Bishii Janaayo 2019, Abdullah ayaa raadiyay macluumaad ku saabsan “duullimaadyada Delta” iyo “dhismaha ugu dheer Atlanta.

  • Caalamka

    24-12-2025

  • 08:47AM

Casha Xasan oo Qiratay Lacago Laga Xaday Barnaamijyo Dowladda Mareykanka Ku Taageerto Carruurta Danyarta ah

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha federaalka, Asha Xasan ayaa noqotay…

  • Caalamka

    23-12-2025

  • 02:51PM