Safiirka Faransiiska dhawaan laga eryi Niger oo afka furtay

Image

PARIS - Safiirka Faransiiska u fadhiya dalka Niger, Sylvain Eté, oo ay dalka ka eryeen kooxihii afgambiga sameeyay 26-kii July, ayaa muujiyay dhibka uu kala kulmay toddobaadyo go'doon ah oo uu ku jiray gudaha xarunta safaaradda ee Niamey.

Eté waxa uu yiri, "Afgambigani marka hore waa arrin gudaha NIger ah oo u dhaxaysa madaxweyne go'aansaday in uu la dagaallamo musuqmaasuqa iyo tiro jeneraalo ah oo aan doonayn in dagaalka lagula jiro musuqmaasuqa uu guuleysto."

Sida uu dhigayo go’aan cayrin ah oo ay soo saareen ciidanka talada haya dhamaadkii Agoosto, diblumaasiga Faransiiska ayaa laga eryi lahaa dalka isla marka uu ka baxo safaaradiisa.

Faransiiska ayaa markii hore go’aansaday inuusan u hoggaansami doonin amarkan cayrinta ah, isagoo sheegay inay aqoonsan yihiin oo keliya dowladdii sharciga ahayd ee uu hoggaaminayay Madaxweyne Maxamed Bazoum oo afgambiga lagu riday.

Si kastaba ha ahaatee, madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa go’aansaday Axadii lasoo dhaafay inuu ku dhawaaqo soo laabashada danjirihiisii ​​u joogay Niger iyo bixitaanka 1,500 oo askari oo Faransiis ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo diiday inuu booqdo Israa’iil xili uu xumaaday xiriirkii kala dhaxeeyay Netanyahu 

Eldar ayaa intaas ku daray in tallaabadan ay calaamad u tahay isbeddel weyn oo ku yimid xiriirka taariikhiga ah ee Mareykanka iyo Israa’iil.

  • Caalamka

    15-05-2025

  • 04:47AM

Trump oo hurumarka ka muuqda Riyadh ku amaaney Maxamad Bin Salman

Trump wuxuu ku sheegey in horumarka ka muuqda Sacuudiga iyo magaalooyinka kale…

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 12:06PM