Senator Mareykan ah oo lagu helay inuu “shaqaale u ahaa” dowlad ajnabi ah

Image
Bob Menendez ayaa sidoo kale waxaa ku cadaatay inuu qaatay laalush lacag cadaan ah iyo gaari.

MUQDISHO, Soomaaliya - Senator u dhashay Mareykanka oo lagu magacaabo Bob Menendez ayaa Talaadadii lagu helay dhammaan eedeymaha lagu soo oogay oo ah dacwad musuqmaasuq.

Eedaha lagu helay waxaa ku jira inuu laaluusho dahab ah iyo lacag ka qaatay saddex ganacsade oo New Jersey ah iyo inuu wakiil shisheeye u ahaa dowladda Masar.

Xukunka xeerbeegtida ayaa daba socday dacwad socday sagaal todobaad oo dacwad oogayaasha ay ku sheegeen in mudanaha  uu ku takri falay awooda xafiiskiisa si uu xulafadiisa uga ilaaliyo dambiyada iyo inuu ka tayeeyo saaxiibadiisa, oo ay ku jirto xaaskiisa, iyada oo loo marayo falal ay ka mid yihiin la kulanka saraakiisha sirdoonka Masar iyo caawinta dalkaas malaayiin doolar oo ah gargaarka milatariga Mareykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM