Shan boqol qof oo ku dhintey Ingiriiska iyagoo sugaya ambalaas

Image
Natiijooyinka ayaa yimid iyadoo ay jirto xiisad ballaaran oo ka jirta nidaamka daryeelka caafimaadka UK.

LONDON, Britain - Macluumaad cusub oo la daabacay ayaa daaha ka qaaday in ka badan 500 oo qof ay ugu dhinteen gudaha boqortooyadda England sannadkii hore ka dib markii ay muddo dheer sugeen ambalaas.

Tirada bukaannada sugaya saacad ka badan ambalaasta ayaa si aad ah u korodhay marka dib loo eego isla markaana la isku-barbar-dhigo labadii sano ee ina weedaaratay.

Sidda laga soo xigtey warbaahinta laga leeyahay Turkiga ee TRT World oo soo xiganaysa illo dhanka caafimaada, farqi aad u weyn ayaa u dhaxeeya is-barbar-dhigga intii u dhaxeysa 2021 illaa 2022.

Tusaale ahaan, sanadkii 2021 waxaa la diiwaan-geliyey in ay mushkiladan u geeriyoodeen 16,143 bukaano ah, halka xagaagii 2022-dii ay u naf-waayeen 19,270 bukaano ah.

Natiijooyinka ayaa yimid iyadoo ay jirto xiisad ballaaran oo ka jirta nidaamka daryeelka caafimaadka UK. Isbitaallada ayaa la halgamaya sidii ay ula qabsan lahaayeen baahida sii kordheysa iyo hoos-u-dhaca shaqaalaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Kenyan ah oo xabsi daa’in lagu xukumay qorshe weerar “9/11 u eg” oo ka dhan ah Maraykanka

Bishii Janaayo 2019, Abdullah ayaa raadiyay macluumaad ku saabsan “duullimaadyada Delta” iyo “dhismaha ugu dheer Atlanta.

  • Caalamka

    24-12-2025

  • 08:47AM

Casha Xasan oo Qiratay Lacago Laga Xaday Barnaamijyo Dowladda Mareykanka Ku Taageerto Carruurta Danyarta ah

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha federaalka, Asha Xasan ayaa noqotay…

  • Caalamka

    23-12-2025

  • 02:51PM