Shiinaha oo kordhiyey ololihiisa ka dhanka ah Taiwan

Image
Duulaanka Ruushka ku qaadey Ukraine ayaa u muuqda mid dhiirageliyey baacsiga Beijing ee xukuumada Taipei.

BEIJING, China – Dowladda Shiinaha ayaa canbaareysay kaalmada bini'aadantinimo ee Taiwan ay siiso Ukraine iyo cunaqabateynta saaran Ruushka iyagoo "ka faa'iideysanaya dhibaatooyinka kale" ka dib markii dhulka iskiis u maamula uu ku dhawaaqay inuu dirayo lacago badan oo ay shacabku ugu deeqeen qaxootiga.

Dowladda Ukraine oo ku jirta dagaal ba’an ayaa naxariis ballaaran ka helay Taiwan, iyadoo dad badan ay u arkeen isbarbardhigga u dhexeeya duulaanka Ruushka iyo khatarta militari ee Shiinaha, ay jasiiradda sida dimuqraadiga ah loo maamulo ay xiiso gaar ah u leedahay.

Mar wax laga waydiiyay kaalmada Taiwan iyo cunaqabataynta shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Beijing, ayuu ku sheegay Zhu Fenglian, af hayeenka xafiiska arrimaha Taiwan ee Shiinaha.

 “Masuuliyiinta Xisbiga Horumarka Dimuqraadiga waxa ay u isticmaalayaan arrinta Ukraine si ay u ansixiyaan jiritaankooda iyo dib u dhac ku yimaada arrin kulul oo aan iyaga khusay,” ayuu yiri isaga oo tixraacaya  Xisbiga talada haya ee Taiwan.

Xiisadda ka dhex taagan Shiinaha iyo Taiwan ayaa mar kale meel adag gaartay,markii duulaanka Ruushku bilaawday xilli xukuumadda Taipei ay ka walaacsan tahay daandaansiga uga imanaya dhanka Beijing.

Hogaamiyaha Shiinaha, Xi Jinping, ayaa sheegay inay qasab tahay in dalkiisa uu dhamaystiro yoolka midnimada iyo soo celinta Taiwan.

Wuxuu tilmaamay in yoolkaas ay doonayaan inay ku gaaraan si nabad ah, balse shacabka Shiinaha ay can ku yihiin diidmada "kala qeybinta". Taiwan oo ka jawaabaysa hadalkaas ayaa sheegtay in mustaqbalka jasiiraddaas uu gacanta ugu jiro shacabkeeda.

Xiisadda ka dhex taagan Shiinaha iyo Taiwan ayaa mar kale meel adag gaartay, xilli xukuumadda Taipei ay ka walaacsan tahay daandaansiga uga imanaya dhanka Beijing.

Hogaamiyaha Shiinaha, Xi Jinping, ayaa sheegay inay qasab tahay in dalkiisa uu dhamaystiro yoolka midnimada iyo soo celinta Taiwan. Wuxuu tilmaamay in yoolkaas ay doonayaan inay ku gaaraan si nabad ah, balse shacabka Shiinaha ay can ku yihiin diidmada "kala qeybinta".

Taiwan oo ka jawaabaysa hadalkaas ayaa sheegtay in mustaqbalka jasiiraddaas uu gacanta ugu jiro shacabkeeda. Waxaa se laga siman yahay aragtida ah in weerar toos ah oo uu Shiinaha ku qaado Taiwan ay ka dhalan karto musiibbo ballaaran, maadaama labada dhinacba ay si weyn u hubaysan yihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump Oo Gaaray Shiinaha Kahor Shir Uu La Yeelanayo Xi Jinping

Ajandaha ugu weyn ee wada-hadallada ayaa lagu sheegay xiisadda Iran, oo Mareykanku doonayo in uu ka helo taageero caalami ah.

  • Caalamka

    13-05-2026

  • 12:58PM

Xaaladda Telefoonnada Dahabka ah ee Trump: Dadkii Lacagta bixiyay oo weli sugaya

Aanay ka dhignayn heshiis iib oo dhammaystiran ama ballanqaad ah in qofka loo soo rari doono qalabkaas.

  • Caalamka

    12-05-2026

  • 11:49AM