Shiinaha oo maraakiib dagaal u soo diray biyaha Soomaaliya

Image
Ciidamadan ayaa sameeyay dhoolatusyo kala duwan oo ay ka mid yihiin baadigoobka iyo samata bixinta.

BEIJING, China – Ciidamada badda Shiinaha ayaa howlgal ka bilaabay gacanka cadmeed iyo biyaha Soomaaliya sida maanta khamiis ah ay ku warantay majalada South China morning post ee ka soo baxda dalwaynaha Shiinaha.

Ciidankaan oo wata laba Markab ayaa la socda guutada 41-aad Ciidanka Badda ee Ciidanka Xoreynta Shacabka (PLA) oo ka soo ambabaxay Zhoushan, ee bariga gobolka Zhejiang ee Shiinaha, Arbacadii, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay baraha bulshada ee Taliska Tiyaatarka Bari.

Kooxdan ayaa wata gantaalaha wax burburiya, gantaalaha la hagayo ee Nantong, iyo markabka saadka ee Chaohu, oo ay saaran yihiin laba helikobtar iyo tobaneeyo askari oo hawlgal gaar ah, ayaa lagu yiri bayaanka.

Nooca 052D - ama Luyang III-class sida Nato ugu yeerto - waxaa loogu talagalay in uu burburiyo Arleigh-Burke ee Navy US. Waxay ku qalabaysan tahay radar casri ah iyo qalab elektaroonik ah oo u dhigma nidaamka US Aegis, iyo sidoo kale 64-unugyo gantaalaha tooska ah.

Ciidamadan ayaa sameeyay dhoolatusyo kala duwan oo ay ka mid yihiin baadigoobka iyo samata bixinta wadajirka ah, la dagaalanka argagaxisada iyo burcad badeedda, iyo badbaadinta maraakiibta ganacsi ee la afduubtay.

Ciidanka badda ee PLA ayaa bilaabay hawlgallo galbineed Gacanka Cadmeed iyo biyaha Soomaaliya Diisambar 2008, gaar ahaan la dagaalanka burcadbadeedda. Tani waa safarkii ugu horeeyay ee Suzhou iyo Nantong - labadaba.

Suzhou, oo wata nambarka132, ayaa markii ugu horreysay ka soo muuqatay jimicsiga badda bishii Maarso ee sannadkii hore. Waxa ay fulin kartaa weeraro dhanka badda ah oo is difaac ah oo kaligeed ah ama iyada oo la kaashanaysa ciidamada kale ee badda,waxana ay leedahay digniin adag oo fogaan dheer iyo awood difaac hawada gobolka,sida lagu sheegay warsaxaafadeedka ciidamada badda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Saudi Arabia iyo Kuwait oo Qaaday Xannibaadihii Hakiyay qorshaha Trump ee Hormuz

Labada dal ayaa horay u xaddiday adeegsiga saldhigyadooda si ay uga fogaadaan inay qayb ka noqdaan iska horimaad toos ah.

  • Caalamka

    08-05-2026

  • 07:12AM

Militariga Mareykanka oo beeniyay sheegasho Iran ka soo baxday 

Iran ayaa marar badan ku andacootay weerarro ka dhan ah ciidamada Mareykanka ama xulafadiisa gobolka.

  • Caalamka

    04-05-2026

  • 12:15PM