Shiinaha oo Trump u sheegay in arrinta Taiwan ay labada dal u horseedi karto iska horimaad hubeysan

Image

BEIJING — Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping, ayaa si adag uga digay dhiggiisa dalka Maraykanka, Donald Trump, in wax kasta oo khaladaad ama tillaabooyin khaldan ah oo laga qaado arrinta Taiwan ay labada dal u horseedi karaan "dagaal iyo iska horimaad dhiig ku daato."

Hadalkan hanjabaadda ah ayaa ku soo beegmay bilowgii shir-madaxeedka heerka sare ah ee labada hoggaamiye ku dhex maray magaalada Beijing, kaas oo qaatay muddo labo saacadood iyo 15 daqiiqo ah. Waa booqashadii ugu horreysay ee madaxweyne Maraykan ah uu ku tego dalka Shiinaha muddo ku dhow toban sano.

Trump ayaa magaalada Beijing ku dhowaanayay isaga oo ammaan iyo bogaadin u fidinaya hoggaamiyaha Shiinaha, isagoo ku tilmaamay Xi "hoggaamiye weyn" iyo "saaxiib", wuxuuna u fidiyey casuumaad rasmi ah oo uu ku imaanayo Aqalka Cad bisha Sebtember.

In kasta oo Trump uu muujiyey saaxiibtinimo, haddana Madaxweyne Xi Jinping ayaa doortay hadallo dhex-dhexaad ah oo digniin wata. Wuxuu carrabka ku dhuftay in labada dhinac ay tahay "inay noqdaan kuwa wada-shaqeeya ee aysan noqon xafiiltama weyn," wuxuuna markiiba miiska soo saaray arrinta Taiwan oo Shiinuhu u kaalinayo in ay tahay qayb ka mid ah dhulkiisa.

"Arrimaha Taiwan waa qodobka ugu muhiimsan uguna xasaasisan xiriirka Shiinaha iyo Maraykanka," ayuu yiri Xi Jinping, sida ay qortay warbaahinta rasmiga ah ee dowladda Shiinaha dhowr daqiiqo ka dib markii uu shirku bilowday. "Haddii si khaldan loo maareeyo, labada qaran waxay isku dhici karaan ama xitaa geli karaan dagaal, taasi oo xiriirka guud ee Shiinaha iyo Maraykanka gelineysa xaalad aad u khatar badan."

Booqashadan taariikhiga ah ee Trump uu ku tagay Shiinaha ayaa ku soo beegmaysa xilli uu wajahayo hoos u dhac weyn oo dhanka caannimada ah (approval ratings) gudaha dalka Maraykanka, taas oo ay sababtay saamaynta dagaalka uu Maraykanku kula jiro dalka Iiraan oo weli muujinaya saan-saan joogto ah, wuxuuna hadda aad u raadinayaa guulo dhanka dhaqaalaha iyo ganacsiga ah oo uu dadkiisa u tuso.

"Waxaa jira dad leeyahay kani wuxuu noqon karaa shir-madaxeedkii ugu weynaa abid," ayuu yiri Trump intii uu socday kulanka ka dhacay Aqalka Weyn ee Shacabka (Great Hall of the People) ee ku yaalla Beijing, halkaas oo carruur aad u tiro badan ay ruxayeen ubaxyo iyo calamo si ay u soo dhoweeyaan madaxweynaha Maraykanka.

Katrina Yu oo ah weriyaha Al Jazeera ee magaalada Beijing ayaa sheegtay in fariinta rasmiga ah ee ka timid Shiinaha ay tahay in Beijing ay diyaar u tahay inay dabacsanaan muujiso oo ay aqbasho khilaafaadka ka taagan arrimaha Iiraan, ganacsiga ama teknoolojiyadda, laakiin ay jirto hal xariiq oo cas oo aan marnaba laga gorgortami karin, kaas oo ah Taiwan.

"Wax kasta oo Beijing ay soo bandhigtay saacadihii la soo dhaafay – ha ahaato saaxiibtinimo, soo dhoweyn heer sare ah ama gacmo furan oo wada-shaqeyn ah – ma aha wax bilaash ah. Waxay ku xiran tahay hal shuruud oo kaliya: In Washington ay aqbasho nidaamka 'Halkaa Shiine' (One China policy) iyo in Beijing ay aad uga dhabeyneyso qorshaheeda ah inay Taiwan si buuxda u maamusho," ayay tiri weriyaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Netanyahu oo si qarsoodi ah u booqday Imaaraadka, lana kulmay MBZ intii uu socday dagaalka Iran

Labada dal ayaa xiriir rasmi ah sameystay sanadkii 2020 kadib heshiisyadii loo yaqaan Abraham Accords.

  • Caalamka

    13-05-2026

  • 08:38PM

Trump Oo Gaaray Shiinaha Kahor Shir Uu La Yeelanayo Xi Jinping

Ajandaha ugu weyn ee wada-hadallada ayaa lagu sheegay xiisadda Iran, oo Mareykanku doonayo in uu ka helo taageero caalami ah.

  • Caalamka

    13-05-2026

  • 12:58PM