Shiinaha oo u jawaabay dalka Mareykanka

Image

BEJING- Af-hayeenka wasaaradda arimaha dibadda ee Shiinaha ayaa been abuur ku tilmaamay eedeynta ah, in dowladda Ruushka ay ka codsatay gargaar milatari.

Hadalka af-hayeenka ayaa imaanaya kadib markii saraakiil aan magacyadooda la xusin ay u sheegeen wargayso badan oo Mareykanka ka hawl gala, in dowladda Ruushka ka codsatay Shiinaha kaalmo milatari.

Tani ayaa sababtay in dowladda Mareykanka uga digto xukuumada Beijing in haddii ay caawiso Ruushka ay cawaaqib xun kala kulmi doonto

Xukuumada Beijing ayaa ku eedeysay Washington in ay faafineyso warar aan sal iyo raad lahayn.

Af-hayeenka ayaa intaas ku daray in taasi badalkeeda dowladda Shiinaha door muhiim ah ka qaadatay nabadeynta iyo wada hadaladda labada dhinac.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Sacuudi Carabiya, Turkiga iyo Pakistan oo ku heshiiyay in ay si wadajir ah isaga difaacaan weerar kasta

Sidoo kale, heshiisku wuxuu dhigaya in la ballaariyo iskaashiga dhinacyada difaaca, tababarrada ciidamada.

  • Caalamka

    07-08-2026

  • 12:14PM

Trump: In dagaalka Iran sii socdo waxaan ka doorbidayaa heshiis

Trump ayaa sheegay in saraakiisha Iran ay la soo xiriireen maamulkiisa ayna dalbadeen in la wada hadlo.

  • Caalamka

    06-08-2026

  • 07:11AM