Shiinaha oo uga digay Maraykanka dulaanka Ukraine

Image
Madaxweyne Volodymyr Zelenskyy ayaa dhankiisa wacad ku maray "waan ka adkaan doonaa" soo duulay Ruushka.

BEIJING, Shiinaha – Shiinaha ayaa mar kale uga digay Mareykanka inuu joojiyo faragelinta uu ku hayo arrimihiisa gudaha, isagoo sheegay in xiriirka labada quwadood uu marayo meel xasaasi ah.

Wasiirka difaaca Shiinaha Wei Fenghe oo ka hadlayay shirka amniga ee Singapore, ayaa sheegay in Beijing ay dagaalami doonto ilaa dhamaadka waa sida uu hadalka u dhigaye haddii ay cid isku dayo iney Taiwan ka go'yso dal weynaha Shiinaha.

Hadalka Wei ayaa ku soo beegmaya maalin ka dib markii Xoghayaha Difaaca Mareykanka, Lloyd Austin, uu dhaleeceeyay waxa uu ugu yeeray habka gardarrada ah ee ay Beijing ay u wajaheyso sheegashaheeda dhuleed iyo dhaqdhaqaaqa ay xasillooni darro uga abuureyso deegaanno u dhow Taiwan.

Dagaalka Ukraine mar uu ka hadlayeyna, Mr Wei waxa uu sheegay in Shiinuhu waligiis aanu taageero miltari siinin Ruushka, oo Beijing ay taageereyso wadahadallo dhexmara Ruushka iyo Ukraine.

Dhanka kale Sarkaal ku sugan gobolka koonfureed ee Ukraine ayaa sheegay in ciidamada Kyiv "ay ka baxeen ammi" xilli ay dagaallo kula jiraan ciidamada Ruushka. 

Madaxweyne Volodymyr Zelenskyy ayaa dhankiisa wacad ku maray "waan ka adkaan doonaa" soo duulay Ruushka.

Hadalkaan ayaa imaanaya iyada oo Ukraine sheegtay in ilaa 800 oo qof ay ku dhuumaaleysanayaan warshadda Azot ee magaalada go’doonsan ee Severodonetsk. Ciidamada Ruushka ayaa diyaarinaya weerar cusub oo ka dhan ah magaalada Sloviansk, sida uu sheegay militariga Ukraine.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ruushka iyo Ukraine oo Is-dhaafsaday Maxaabiis iyo Weeraro Cusbaa oo lagu qaadey Kyiv

Is-dhaafsigan ayaa noqonaya kii ugu weynaa ee tan iyo markii uu bilowday dagaalku, waxaana lagu qabtay xadka Ukraine iyo Belarus .

  • Caalamka

    24-05-2025

  • 04:20PM

Iran: Maraykanka kula xisaabtami doonaa Haddii Israel Weerarto Goobaheena Nukliyeerka 

Israel ma aysan xaqiijin qorshe kasta oo weerar ah, balse madaxda sare ee dalkaasi oo uu ku jiro Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu.

  • Caalamka

    22-05-2025

  • 02:53PM