Shil diyaaradeed oo ka dhacay Nepal

Image

Diyaarad rakaab ah ayaa burburtay oo dab qabsaday wax yar kadib markii ay ka duushay caasimadda Nepal ee Kathmandu, waxaana ku dhintay 18 qof, sida ay sheegeen saraakiisha duulista.

Duuliyaha ayaa ahaa qofka kaliya ee ka badbaaday shilka, waxaana lagu daweynayaa cisbitaal, Maamulka Duulista Rayidka ee Nepal ayaa sidaas bayaan ku sheegay.

19 qof oo ku jiray duuliyaha ayaa la socday diyaaradda Saurya Airlines.

Nepal waxay leedahay dhabbaha dayuuradaha ku degtaan kuwa aduunka ugu halista badan ee lagu soo dego. Cimiladu si dhakhso ah ayey isu bedeshaa buuraha o barafka uu daboolo, taasoo ah xaalado duullimaad oo khatar ah.

Shilkii ugu dambeeyay ee duulimaad wuxuu ahaa Jan. 2023 markii diyaaradda Yeti Airlines ay ku burburtay Pokhara, iyadoo ay ku dhinteen dhammaan 72 qof oo saarnaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo u amray Waaxda Difaaca inay “si degdeg ah” u bilowdo tijaabinta hubka nukliyeerka

Ololaha Caalamiga ah ee lagu baabi’inayo Hubka Nukliyeerka ayaa Ruushka ku tirinaya inuu haysto hubka nukliyeerka ugu badan.

  • Caalamka

    30-10-2025

  • 09:42AM

Trump iyo Madaxweynaha Shiinaha oo kulan muhiim ah ku yeeshay South Korea

War kasoo baxay Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in labada hoggaamiye ay si qoto dheer uga wada hadleen khilaafaadka canshuuraha ganacsiga.

  • Caalamka

    30-10-2025

  • 05:34AM