Shirkadda Apple oo dambiisheeda ka saareysa Twitter

Image
Horey Apple ayaa dambiisheeda (Apple Store) ka saartay adeegyo kale, sida adeegga Parler.

NEW YORK, USA - Agaasimaha shirkadda Twitter Elon Musk ayaa sheegaya in shirkadda Apple ay dambiisheeda caanka ah ee lagala dego adeegyada danabaysay ay ka saari doonto aaladda Twitter-ka, haddii shirkadiisa aysan fulin dalabaad la xiriira faaf-reebka waxyaabaha lagu faafinayo.

Qoraalo xiriir ah oo uu bartiisa soo dhigay, ayuu Elon ku sheegay in sidoo kale ay Apple joojisay adeegyadii iidhehyada ee ay ku samaysan jirtay Twitter-ka, taas oo ah talaabo kale oo ciqaab ah oo Apple ku xakamaynayso tallaabooyinka xero-taraarka lagu qeexay ee Elon Musk.

Horey Apple ayaa dambiisheeda (Apple Store) ka saartay adeegyo kale, sida adeegga Parler ee ay aragtiyada ku wadaagaan dadka aaminsan aragtiyada muxaafidka ah ee u janjeera dhanka Donald Trump. Balse Apple ayaa sanadkii hore soo celisay adeegga Parler kadib markii shirkadani u hoggaansantay shuruudihii faaf-reebka ee laga doonayay.

Markii uu Musk la wareegay Twitter, waxaa loo arkayay in gebi ahaanba uu hadda kadib Twitter noqon doono meel lagu soo bandhigo aragti kasta, xitaa haddii ay kicin dadweyne tahay, balse talaabada Apple ayaa ka dhiggan isgoys lagu qasbanyahay in lagu hakado.

Musk ayaa mid ka mid ah farriimahiisa ku xusey agaasimaha Apple Tim Cook, isaga oo weeydiiyay “Maxaa jira?”. Apple ayaa rubucii hore ee sanadkan xayaysiiska Twitter ku bixisay lacag dhan $48 milyan oo doolar, waxayna ka mid tahay shirkadaha ugu waaweyn ee wax ku xayaysiista.

Elon Musk oo ah nin taajir ah oo caqabadaha ganacsiga ka qabsada ku wajaha qaab iska hor imaad ah ayaa ku hanjabay in uu dagaal toos ah la geli doono Apple, inkasta oo uusan faahfaahin nooca uu noqon doono dagaalkaasi.

Shirkado badan sida tan baabuurta ee General Motors ayaa joojiyay amaba hakiyay in ay wax ku xayaysiistaan Twitter-ka, iyaga oo welwel ka qaba faaf-reeb la’aanta degelkani Baraha Bulshada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Kenyan ah oo xabsi daa’in lagu xukumay qorshe weerar “9/11 u eg” oo ka dhan ah Maraykanka

Bishii Janaayo 2019, Abdullah ayaa raadiyay macluumaad ku saabsan “duullimaadyada Delta” iyo “dhismaha ugu dheer Atlanta.

  • Caalamka

    24-12-2025

  • 08:47AM

Casha Xasan oo Qiratay Lacago Laga Xaday Barnaamijyo Dowladda Mareykanka Ku Taageerto Carruurta Danyarta ah

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha federaalka, Asha Xasan ayaa noqotay…

  • Caalamka

    23-12-2025

  • 02:51PM