Shirkadda “Maersk” oo hakisay maraakibteeda badda cas muddo 48 saacadood ah

Image
Ilaaladda Maraakiibta Dagaalka Wadamada Caalamka ayaa roondooyin ka sameynaya Koonfurta Badda Cas.

Copenhagen (GO) - Shirkadda Maersk ee laga leeyahay dalka Denmark oo ka mid ah shirkadaha maraakiibta ugu waaweyn caalamka ayaa Axadii ku dhawaaqday inay hakisay muddo 48 saacadood ah maraakibteeda badda cas, kadib laba weerar oo Xuutiyiintu ku qaadeen mid ka mid ah maraakiibtooda ganacsiga.

Markabka “Maersk Hangzhou” ee Konteenarada ayaa sheegay in weerar gantaal ah lagu qaaday xilli uu ka gudbayay marinka Bab al-Mandab, kadibna waxaa weerar kale lagu qaaday afar doomood oo Xuuthiyiin ah xilli ay doonayeen inay fuulaan.

Wakaalladda Wararka AP oo soo xiganaysa Taliyaha Ciiddanka Badda Maraykanka ee Bariga Dhexe, Admiral Brad Cooper, ayaa sheegay in Ilaaladda Maraakiibta Dagaalka ee Maraykanka, Faransiiska iyo Britain ay Roondooyin ka sameyeen Koonfurta Badda Cas iyaga oo wataa maraakib gaaraya 1,200.

Waxa uu intaasi ku daray in Xuutiyiinta Yemen aysan muujin wax calaamad ah inay soo afjari doonaan weerarrada ay ku hayaan Maraakiibta Ganacsiga ee mara Badda Cas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xuutiyiinta Yemen oo sheegay inay weerareen goobo xasaasi ah oo ku yaalla Sacuudiga

Dagaalladii ayaa muddo hoos u dhacay, balse xaaladda ayaa mar kale si weyn u kacsatay toddobaadyadii lasoo dhaafay.

  • Caalamka

    20-09-2026

  • 06:30AM

Trump oo warbaahinta u jeestay xilli ay isa soo tarayaan caqabadaha ka haysta siyaasada iyo sharciga

CNN waxay tallaabada ku tilmaantay weerar sharci-darro ah oo lagu qaaday xorriyadda…

  • Caalamka

    20-09-2026

  • 03:13AM