Sidee ayuu Biden uga falceliyay maqnaashiyaha dhigiisa Shiinaha ee shirka G20?

Image

NEW DELHI, Hindiya - Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay maqnaashiyaha dhigiisa Shiinaha, Xi Jinping, ee shirka G20 oo lagu qabanayo Hindiya toddobaadkan, isagoo ku nuuxnuuxsaday "inuu wali awoodi doono inuu arko."

Isagoo ka jawaabaya su'aal ku saabsan maqnaanshaha Xi ee shir madaxeedka New Delhi, Biden wuxuu u sheegay saxaafadda, "Waan ka niyad jabay, laakiin waxaan awoodi doonaa inaan arko," isaga oo aan faahfaahin ka bixin.

Bilihii la soo dhaafay, Beijing iyo Washington ayaa dib u billaabay wada-hadalladii u dhaxeeyay iyaga oo booqasho xiriir ah ku tagay Beijing mas’uuliyiin sarsare oo Mareykan ah oo uu ku jiro xoghayaha arrimaha dibadda Anthony Blinken.

Si kastaba ha ahaatee, xiriirka laba geesoodka ah ayaa weli ah mid kacsan, maadaama ay jiraan faylal ay ka mid yihiiin murannada ganacsiga, iyo arrinta jasiiradda Taiwan ee madaxbannaan.

Sarkaal sare oo ka tirsan Midowga Yurub ayaa Khamiistii sheegay in Xi uusan ka qeybgali doonin shirka G20, isla markaana uu Ra’iisul Wasaare Li Qiang matali doono dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo taageeray amniga Sacuudiga xilli ay sii kordhayaan weerarrada Xuutiyiinta

Wuxuu sheegay in Sacuudiga laga yaabo inuu u baahdo taageero milatari, gaar ahaan dhinacyada farsamada.

  • Caalamka

    20-09-2026

  • 12:17PM

Xuutiyiinta Yemen oo sheegay inay weerareen goobo xasaasi ah oo ku yaalla Sacuudiga

Dagaalladii ayaa muddo hoos u dhacay, balse xaaladda ayaa mar kale si weyn u kacsatay toddobaadyadii lasoo dhaafay.

  • Caalamka

    20-09-2026

  • 06:30AM