Sidee Itoobiya iyo TPLF uga badbaadi karaan cunaqabateyn?

Image

WASHINGTON — Dowladda Mareykanka ayaa ku boorineysa dowladda Itoobiya, jabhadda TPLF, iyo kooxaha kale ee dagaallamaya inay soo afjaraan colaadda ka taagan gobolka Tigreega ee woqooyiga Itoobiya, ayna oggolaadaan in gargaarka bani’aadamnimo uu gaaro malaayiin dad ah oou baahan gargaarkaas.

Haddii khilaafku joogsan waayo, ayay dowladda Mareykanku sheegtay in mas'uuliyiinta muhiimka ah ee dowladda iyo TPLF ay la kulmi karaan cunaqabatayn xagga socdaalka iyo maaliyadda Mareykanka ah.

Siihayaha kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibada ee bariga Africa Bryan Hunt, ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay doonayso in la soo afjaro colaadda 10-ka bilood ka socotay Tigray.

“Haddii dowladda Itoobiya iyo kooxda TPLF ay qaadaan tillaabooyin macno leh si ay u galaan wadahadalada xabbad-joojinta, ayna oggolaadaan howlaha gargaarka bani’aadamnimo oo aan carqalad lahayn, Mareykanku wuxuu diyaar u yahay inuu gacan ka geysto abaabulidda kaalmada Itoobiya, si ay uga soo kabato, dib u soo noolayso dhaqaalaheedii."

"Tallaabooyinkaas macnaha leh waxaa ka mid ah in la aqbalo dadaallada dhexdhexaadinta ee uu hoggaaminayo Midowga Afrika, oggolaanshaha wada-xaajoodka, iyada oo aan wax shuruud ah lagu xirin, iyo in la aqbalo martiqaadka wadahadallada bilowga ah, ”ayuu yiri Siihayaha kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibada ee bariga Africa Bryan Hunt.

Hunter, wuxuu sheegay in dhammaan dadaalladii kale ee lagu cadaadin lahaa dhinacyada dagaalku ka dhexeeyo sidii si nabad ah loogu dhammeyn lahaa dagaalkan ay fashilmeen, taasina ay keentay hanjabaada cunaqabateynta ee uu saxiixay madaxweyne Joe Biden Jimcihii.

Ciidammada Itoobiya ayaa gudaha u galay gobolka Tigreega bishii November ee la soo dhaafay, kadib bilooyin ay socdeen xiisad u dhaxaysay xukuumadda Ra’isal Wasaare Abiy Ahmed iyo xisbiga haya talada Tigreegaa ee TPLF. Xudunta colaadan daba-dheeraatay waa is-qabqabsi xoogan oo ka dhashay doorashada.

Related Articles

Netanyahu oo si qarsoodi ah u booqday Imaaraadka, lana kulmay MBZ intii uu socday dagaalka Iran

Labada dal ayaa xiriir rasmi ah sameystay sanadkii 2020 kadib heshiisyadii loo yaqaan Abraham Accords.

  • Caalamka

    13-05-2026

  • 08:38PM

Trump Oo Gaaray Shiinaha Kahor Shir Uu La Yeelanayo Xi Jinping

Ajandaha ugu weyn ee wada-hadallada ayaa lagu sheegay xiisadda Iran, oo Mareykanku doonayo in uu ka helo taageero caalami ah.

  • Caalamka

    13-05-2026

  • 12:58PM