Sidee uga falcelisay Ilhaan Cumar xil-ka-qaadistii afhayeenka Kongreska?

Image

WASHINGTON - Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka wakiillada Mareykanka ayaa muujisay sida ay ugu faraxsantahay xilka qaadistii ku timid Kevin McCarthy oo ahaa afhayeenkii Kongreska Mareykanka kaas oo dhawaan xilka laga qaaday.

Ilhaan Cumar ayaa ku daabacday barteeda “X” qoraal ay uga hadleeso xil ka qaadistan, iyada oo dhaliil u jeedisay habka uu ku maareynaayay Golaha.

Ilhaan ayaa tiri: “Kevin McCarthy wuxuu ka dhigay hadafkiisa inuu bartilmaameedsado haweenka, wuxuu ka dhigay hadafkiisa inuu qariyo dambiyadii uu ku kacay Donald Trump.”

Ilhaan Cumar ayaa horay dhaleeceyn kulul u jeedisay John McCarthy, waxaana sabab u ah khilaafka dhexdooda ah in ay ka kala tirsan yihiin labada Xisbi ee Dimuqraadiga & Jamhuuriga.

Waxaana xusid mudan in xisbiga Jamhuuriga ah oo xubinimadii Guddiga Arrimaha Dibadda ee Aqalka Kongreska ka xayoobiyay Ilhaan Cumar 3dii Febraayo ee sanadkan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo taageeray amniga Sacuudiga xilli ay sii kordhayaan weerarrada Xuutiyiinta

Wuxuu sheegay in Sacuudiga laga yaabo inuu u baahdo taageero milatari, gaar ahaan dhinacyada farsamada.

  • Caalamka

    20-09-2026

  • 12:17PM

Xuutiyiinta Yemen oo sheegay inay weerareen goobo xasaasi ah oo ku yaalla Sacuudiga

Dagaalladii ayaa muddo hoos u dhacay, balse xaaladda ayaa mar kale si weyn u kacsatay toddobaadyadii lasoo dhaafay.

  • Caalamka

    20-09-2026

  • 06:30AM