Sideed qof oo lagu dilay weerar lagu qaadey jaamacad

Image
Ma cadda inta qof ee dhaawacmay. Booliska Ruushka ayaa sheegay in la xiray ninkii weerarka geystay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan siddeed qof ayaa dhimatay kadib markii nin hubeysan uu rasaas ku furay jaamacad ku taalla magaalada Perm ee dalka Ruushka, sida ay saraakiishu sheegeen.

Gacan ku dhiiglaha oo subaxnimadii Isniinta beegsadey xarunta jaamacadda ayaa si degdeg u  bilaabay inuu toogto qof kasta oo uu ku arkay guud ahaan dhismaha xarunta.

Ardaydii iyo macallimiintii oo xilligaas ku mashquulsanaa dasruusta maalinlaha ah ayaa jahwareer culus soo food-saartey; kuwa kale ayaa la arkayay iyagoo daaqadaha ka boodaya.

Ma cadda inta qof ee dhaawacmay. Booliska Ruushka ayaa sheegay in la xiray ninkii weerarka geystay. Booliska ayaa dhaawacay oo xabsiga dhigay ruuxa weerarka geystay oo la sheegay inuu yahay arday.

Dhacdadu waxay ka dhacday 11:00 (06:00 GMT) ee Jaamacadda Gobolka Perm, oo ku taal meel qiyaastii 1,300 kilomitir (800 mayl) bariga ka xigta magaalada caasimadda ah Moscow.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ninka hubeysan uu baraha bulshada ku qoray in uu kaligiis falkan go'aansadey oo uusan ka lahayn ujeedo siyaasadeed iyo mid diimeed.

Ruushka ayaa kamid ah wadamada ugu ammaanka adag caalamka gaar ahaan dalalka reer Galbeedka si gaar ah qaaradda Yurub. Sidoo kale, waxaa naadir ka ah in laga soo wariyo dhacdooyin noocaan oo kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Markab Gargaar oo ku Wajahnaa Gaza oo Israa’iil Qabatay

Gaza ayaa noqotay xabaalo dusha ka furan, iyadoo adduunka intiisa kale laga jaray, iyadoo aan la gelin karin gargaarka bini'aadanimo.

  • Caalamka

    09-06-2025

  • 06:01AM

Trump: Aniga iyo Elon Musk Xiriirkeennii wuu dhammaaday, Cawaaqib xun ayuu la la kulmi doonaa

“Waxaan u maleynayaa inay sidaas tahay, haa,” ayuu yiri Trump markii la weydiiyay haddii uu u maleynayo in xiriirkooda uu dhammaaday.

  • Caalamka

    08-06-2025

  • 08:56AM