Spain oo ballan-qaadday inay aqoonsato Falastiin

Image

MADRID (GO) - Ra’iisul wasaaraha Spain Pedro Sanchez ayaa sheegay in dowladdiisa cusub ay ka shaqeyn doonto sidii loo aqoonsan lahaa dowladda Falastiin.

Ra’iisul wasaaraha Spain ayaa ugu baaqay Israa’iil inay joojiso “dilka indho la’aanta ah ee Falastiiniyiinta” ee ka socda marinka Qasa, isagoo dhaleeceyn xooggan u jeediyay dowladda Cibraaniga ah.

Inkastoo Sanchez uu carabka ku adkeeyay in uu garab taagan yahay Israa'iil jawaabta ay ka bixineyso weerarka argagixisanimada ah ee ay fuliyeen XMS 7-dii Oktoobar, wuxuu ballan qaaday in dowladdiisa cusub ay ka shaqeyn doonto sida Yurub iyo Spain ay u aqoonsan lahaayeen dawladda Falastiin

Waxaa xusid mudan in sanadkii 2014-kii uu baarlamaanka Spain uu ugu baaqay dowladda in ay Falastiin u aqoonsato dowlad, ka dib wada xaajood dhexmari doono Falastiiniyiinta iyo Israa’iil.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo taageeray amniga Sacuudiga xilli ay sii kordhayaan weerarrada Xuutiyiinta

Wuxuu sheegay in Sacuudiga laga yaabo inuu u baahdo taageero milatari, gaar ahaan dhinacyada farsamada.

  • Caalamka

    20-09-2026

  • 12:17PM

Xuutiyiinta Yemen oo sheegay inay weerareen goobo xasaasi ah oo ku yaalla Sacuudiga

Dagaalladii ayaa muddo hoos u dhacay, balse xaaladda ayaa mar kale si weyn u kacsatay toddobaadyadii lasoo dhaafay.

  • Caalamka

    20-09-2026

  • 06:30AM