Suuq ku yaalla Gaza oo isku-badalay qabuuro dad lagu aaso

Image
Duqeymaha aan kala sooca lahayn ee Yahuuda geysaneyso ayaa sababay geeri xad-dhaaf ah.

DOOXA, Qadar - Muuqaal lagu baahiyay warbaahinta Al Jazeera qeybta Carabiga ayaa muujinaya sida dadka Qaza loogu qasbay in goob suuq ah oo la duqeeyay ay u badalaan goob ay ku aasan yihiin dad badan oo ay dileen duqeymaha Israa’iil.

Qabuuraha qaar waxaa ku xardhan calaamado Carabi ku qoran, qaarna dhagaxaan iyo shubka jaban. Tani waxay muujinaysaa sidda nolosha Gaza ay dhinac walba isaga badashay.

"Suuq ku yaal deegaanka Jabalia ee Gaza ayaa laga dhigay qabuuro macmal ah, oo ay ku yaalliin wasakh, dhagxaan, iyo dhejis alwaax ah oo lagu calaamadiyay qabuuraha, muuqaalka la soo bandhigay Talaadadii, Disembar 12," ayuu wariyay TV-ga.

Dhanka kale, Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa si aqlabiyad leh u meel mariyay qaraar aan la isku hallayn karin oo ku baaqaya xabbad-joojin bini'aadannimo oo ka dhacda Gaza iyadoo duqeymaha Israa'iil ay sii socoto.

Madaxa WHO ayaa walaac muujiyay ka dib markii ciidamada Israel ay weerareen cisbitaalka Kamaal Adwan ee waqooyiga Gaza, isagoo ku baaqay in la ilaaliyo bukaannada iyo shaqaalaha caafimaadka.

Geesta kale, Roobab mahiigaan ah ayaa sababay daadad ku fatahay qaar kamid ah deegaanada koonfurta Qaza, taasoo sii murjisay nolosha dadka Falastiiniyiinta ah ee barakacayaasha ah oo hadda ku nool teendho iyo guryo kale oo ka sameysan cooshado.

Sawirro ayaa muujinayay dad cuntada ku diyaarinayay baco dhuuban hoostooda iyagoo carruurtu ku ciyaarayaan bannaanka. Hay'adaha samafalka waxa ay dalbanayaan in dadkan lala gaaro gurmad degdeg ah gaar ahaan cunto iyo teendhooyin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xuutiyiinta Yemen oo sheegay inay weerareen goobo xasaasi ah oo ku yaalla Sacuudiga

Dagaalladii ayaa muddo hoos u dhacay, balse xaaladda ayaa mar kale si weyn u kacsatay toddobaadyadii lasoo dhaafay.

  • Caalamka

    20-09-2026

  • 06:30AM

Trump oo warbaahinta u jeestay xilli ay isa soo tarayaan caqabadaha ka haysta siyaasada iyo sharciga

CNN waxay tallaabada ku tilmaantay weerar sharci-darro ah oo lagu qaaday xorriyadda…

  • Caalamka

    20-09-2026

  • 03:13AM